HomeMaqalDhageyso:-Amar la dul dhigay Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya

Dhageyso:-Amar la dul dhigay Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe oo ka hadlay Tiro koobka lagu wado Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in ujjeedada laga leeyahay ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Ciidanka Difaaca, si loogu qorsheeyo Hub, Gaadiid,  qalab iyo dhaqaale ku filan. S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe oo ka hadlay Tiro koobka lagu wado Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in ujjeedada laga leeyahay ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Ciidanka Difaaca, si loogu qorsheeyo Hub, Gaadiid,  qalab iyo dhaqaale ku filan.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la kordhiyo Miisaaniyada ku baxda Ciidanka Xoogga dalka, si taasi loo hirgeliyana loo baahan yahay in la oggaado tirada saxda ah ee Ciidanka.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in Askari Xanuunsan Ama Tababar iyo fasax ku maqan maahee Askarta kale looga baahan yahay in ay Xaadir ku ahaadaan goobta Dawladda ay ku ogtahay, isaggoo xusay in Khalad ay tahay in fasax la’aan  laga maqnaadoTiro koobka Ciidanka lagu wado.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Amray Saraakiisha Ciidanka in ay fuliyaan amarada Taliska, islamarkaana ay dardar geliyaan Shaqada, si Askari walba Xaquuqdiiisa uu u helo.

Ugu dambeyn S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga dalka markasta uu u taagan yahay in Ummadda Soomaaliyeed uu ka badbaadiyo Khatar walba oo dalka gudahiisa ama Dibadiisa ah, ayna u dhaarteen in dalkooda ay nafta u horraan.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories