HomeWararMuwaadin Soomaali oo xukun ku muteysanayo Muuqaaladda Qoor-goynta ee Kooxda Daacish

Muwaadin Soomaali oo xukun ku muteysanayo Muuqaaladda Qoor-goynta ee Kooxda Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

C/raxmaan C/llaahi Maxamed oo 42-jir ayaa waxa dhawaan la so taagay Maxkamadda The Old Bailey Court ee magaalladda London, isagoo lagu eedeynayo inuu Kombiyuutarkiisa ku kaydsaday Muuqaalladda Qoor-goynta ee Kooxda Daacish iyo Hal-ku-dhegga “I like ISIS” oo la micno ah  “Anigu Waan Jeclahay ISIS ama Daacish”. Saraakiil ka tirsan Boliska dalkaasi waxay C/raxmaan C/llaahi Maxamed  […]

- Advertisement -

C/raxmaan C/llaahi Maxamed oo 42-jir ayaa waxa dhawaan la so taagay Maxkamadda The Old Bailey Court ee magaalladda London, isagoo lagu eedeynayo inuu Kombiyuutarkiisa ku kaydsaday Muuqaalladda Qoor-goynta ee Kooxda Daacish iyo Hal-ku-dhegga “I like ISIS” oo la micno ah  “Anigu Waan Jeclahay ISIS ama Daacish”.

Saraakiil ka tirsan Boliska dalkaasi waxay C/raxmaan C/llaahi Maxamed  oo 42-jir ah soo xireen bishii July 21-dii ee sannadkii 2017-kii, kadib, markii ay baaritaano ku sameeyeen guri ay isaga uiyo xaaskiisa iyo 2-carruurtiisa ka deggan yihiin Xaafadda Northolt ee Galbeedka magaalladda London.

- Advertisement -

Booliska waxay xilligaasi sheegeen inay gurigiisa ka soo heleen 2 Kombiyuutarada Laptop-ka, Telefoonka casriga ee nooca Samsung Galaxy iyo Maskax-kaydiyaha USB memory Stick.

Saraakiisha waxay xilligaasi baareen qalabkaasi oo ay sheegeen inay ka heleen waxa ay ugu yeereen Dukumentiyo laga walaaco, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Garsoore ka tirsan Maxkamadda The Old Bailey ee magaalladda London waxa uu C/raxmaan C/llaahi Maxamed  ku soo eedeeyeen 8 dacwo oo ku aadan Dukumentiyo iyo Muuqaalo Borobogaando u ah Kooxda Daacish.

- Advertisement -

Garsooraha oo lagu magacaabo Philip Katz waxa uu sheegay in C/raxmaan C/llaahi Maxamed  lagu helay qalab si cad u muujinaysa inuu taageero Kooxda Daacish.

Garsooraha waxa uu dib u dhigay Xukunka dacwadaasi ilaa bisha soo socota ee April 18-da.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories