HomeWararCiidamada dowladda oo dib ula wareegay degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Wararka aan ka heleyno Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada degmadaas saakay tahay mid degan,kadib markii xalay Al-shabaab ay la wareegeen qeybo kamid ah,iyagoona dib uga baxay. Waxaa la sheegay in Al-shabaab weerar xoogan ay ku soo qaadeen Balcad,waxaana weerarka kadib xigay dagaal dhexmaray iyaga iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya,kaasi […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada degmadaas saakay tahay mid degan,kadib markii xalay Al-shabaab ay la wareegeen qeybo kamid ah,iyagoona dib uga baxay.

Waxaa la sheegay in Al-shabaab weerar xoogan ay ku soo qaadeen Balcad,waxaana weerarka kadib xigay dagaal dhexmaray iyaga iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya,kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegen in Al-shabaab saacado kooban ay ku sugnaayeen gudaha degmada,isla markaana ay la wareegeen Saldhiga iyo Xarunta maamulka,iyagoona halkaas kasii daayay Maxaabiis ku xirneyd.

Ciidamada AMISOM ee Saldhiga ku leh Warshadda Dharka Balcad ayaa hoobiyeyaal ku gaaray inta shabaab ay ku sugnaayeen gudaha degmada,kuwasi oo aan la shaacin khasaaraha ay geysteen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowr Saacadood kadib dib ula wareegay gacanta ku heynta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana xaalada guud ee halkaasi saakay ay tahay mid degan.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana Magaalada Muqdisho ay u jitaa 30-KM.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories