HomeWararSawirro:-RW ku-xigeenka Dalka oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Arrimaha Xajka iyo Qodobo...

Sawirro:-RW ku-xigeenka Dalka oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Arrimaha Xajka iyo Qodobo kale

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee ku jira Tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Kulanka tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa maanta looga hadlay Qorshaha iyo siyaasadda arrimaha Xajka, horumarinta shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda isbedelka cimilada Soomaaliya.

- Advertisement -

Ugu horrayn wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa shirka maanta ee tubta horumarinta arrimaha bulshada waxa ay kusoo bandhigtay siyaasadda iyo qorshaha arrimaha xajka oo qayb ka ah halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubta.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee shaqaalaha rayidka ah,  Hassan Abshirow Mohamed, oo shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in guddigoodu ay kulanka kusoo bandhigeen kormeer ay labadii bilood ee lasoo dhaafay ku sameeyeen hannaanka ay shaqaalaha dawladdu u howl galaan, caqabadaha jira ee dhanka shaqada ah iyo talooyin ku aadan qaabkii loo xallin lahaa.

Dood dheer kadib, ayaa Tubta horumarinta arrimaha bulshadu waxa ay ogolaatay in la dardar geliyo dib-u-habaynta shaqaalaha iyo in la sameeyo hab casri ah oo la gula socdo shaqooyinka shaqaalaha iyo hannaanka shaqa galkooda.

- Advertisement -

Waaxda Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa iyana waxa ay tubta usoo bandhigtay siyaasadda Isbadalka Cimiladda Soomaaliya oo qorshuhu yahay in aasaas looga dhigo hannaanka dawladdu u wajahayso isbedelka cilmada.

Himilooyinka Tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah  horumarinta hab-racyada, Istaraatiijiyadda iyo sharciyada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories