HomeCaalamkaLamaanayaal lagu qabtay dhowr Baasaboor oo la been abuuray  

Lamaanayaal lagu qabtay dhowr Baasaboor oo la been abuuray  

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Warbaahinta Gudaha ee dalka Arjentina waxay maanta sheegeen in la qabtay Nin iyo Xaaskiisa oo ka soo jeeda dalka Iiraan, kuwaasi oo watay 4 baasaboor oo la been abuuray.

Labo ka mid ah Baasabooradda waxay kaga soo dhoofeen dalka Spain, halka labada kalena ay ku soo galeen dalka Arjentiina.

- Advertisement -

Lamaanayaasha oo lagu kala magaacbo Saajid Samyel Nasraan oo 27 jir ah iyo Masura Sabazali oo 30-jir ah waxaa la sheegay in labada Baasaboor ay ku soo galeen Arjentiina ahaa Baasaboorka Israel, waxayna ku safrayeen magacyada kala ah Netanel iyo Rivka Toledano.

Boliska Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Arjentina ee Bonis Ayris waxay ka shakiyeen magaca Toledano, oo ah magaca Hawl-fuliyaha Safaaradda Israel, oo lagu magacaabo Toledano.

Warbaahinta Maxaliga ee dalka Arjentina waxay sheegeen in Lamaanahaasi ay saddex Hotel degeen muddo 3 maalmood gudaheeda, waxayna Baarayaasha heleen inay Lamaanahaasi sameeyeen wicitaan gudaha oo 85 ilbiriqsi ah.

- Advertisement -

Labaduba kuma hadli karaan Luqadaha Spanish, waxayna sheegeen inay  yihiin Muwaadiniin u dhalatay Iiraan, kana soo carareen dalkooda, iyagoo soo maray dalalka Turkiga, Giriiga ilaa ay ka soo gaareen dalka Spain.

Baarayaasha waxay baaritaan ku hayaan Kombiyuutarka khaaska iyo Mobayladda ay wataan, iyadoo mid ka mid ah Mobayladaasi yahay nooca iPhone oo xiran, isla markaana adag tahay in la helo xogta ku jirta.

Maamulayaasha dalka Arjentina waxay sheegeen inay sare u qaadaan Heerka Ammaanka Qaranka, ilaa laga jebinayo Mobaylka iphone-ka ee ay Lammaanahaasi wataan.

Sidoo kale, Boliska dalka Arjentiina waxay raadinayaan sidii ay ku heli lahaayeen Turjumaan yaqaan Luqadda Faarsi-ga ee looga hadlo dalka Iiraan, si uu gacan uga geysto Baaritaanka Lammaanahaasi u dhashay Iiraan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories