HomeWararSiyaasi xag-jir ah oo sheegay inuu Masjid iyo Xarun dhaqan ka...

Siyaasi xag-jir ah oo sheegay inuu Masjid iyo Xarun dhaqan ka dhisi doono Sweden

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Siyaasiga Mark Kollinis ee ka tirsan Xisbiga Midigta Fog  ee dalka Sweden ayaa soo jeediyey qorshe uu ku doonayo inuu Masjid iyo Xarun Dhaqan ka dhiso Degmadda Karamfors ee Gobalka Vasternorrland ee Waqooyiga dalkaasi. Wargeyska Local Media ee dalka Sweden ayaa qoray in Siyaasigaasi oo ka tirsan Xidbiga Dimuqraadiyadda Sweden (SDP) ee ka soo horjeeda […]

- Advertisement -

Siyaasiga Mark Kollinis ee ka tirsan Xisbiga Midigta Fog  ee dalka Sweden ayaa soo jeediyey qorshe uu ku doonayo inuu Masjid iyo Xarun Dhaqan ka dhiso Degmadda Karamfors ee Gobalka Vasternorrland ee Waqooyiga dalkaasi.

Wargeyska Local Media ee dalka Sweden ayaa qoray in Siyaasigaasi oo ka tirsan Xidbiga Dimuqraadiyadda Sweden (SDP) ee ka soo horjeeda Soo-galootiga ama Muhaajiriinta uu tilmaamay inay u baahan yihiin Muhaajiriinta, si loo joojiyo hoos-u-dhaca ku yimid  tirada dadka ku nool magaalladaasi.

- Advertisement -

Siyaasiga Mark Kollinis oo 63-jir ah waxa uu xusay in Aragtidiisa tahay haddii la helo Masjid iyo Xarun Dhaqan inay taasi xoojinayso mas’uuliyadda Muslimiinta ee magaalladooda iyo deegaanadda ku hareeraysan.

Waxa kale oo uu farta ku fiiqay in Degmadda Karamfors isaga baxeen 100 qof muddo hal sanno gudaheeda, halka  guud ahaan Gobalka Vasternorrland lumisay 500 oo Muwaadin muddo hal sanno ah.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories