HomeWararKhasaaro ka dhashay dagaal weli ka socda deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Khasaaro ka dhashay dagaal weli ka socda deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo weli ka socda tuulooyin hoosaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalkan ayaa saakay markii hore ka bilowday deegaanka Burdheere,waxaana haatan uu kusii fiday deegaano hor leh oo hoostaga Cadale,iyadoona la […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo weli ka socda tuulooyin hoosaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa saakay markii hore ka bilowday deegaanka Burdheere,waxaana haatan uu kusii fiday deegaano hor leh oo hoostaga Cadale,iyadoona la isku adeegsanayo hubka nooyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Ugu yaraan 10 ruux ayaa dagaalkaas ku geeriyootay halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka, sida qof kamid ah dadka deegaanka uu u sheegay Idaacada Dalsan ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dadkii dhaawacmay loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobaha uu dagaalka ka socdo ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada halkaas ay tahay mid kacsan,isla markaana rasaas culus laga maqlayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories