HomeWararCiidamo ka tirsan qeybta 12-ka April oo isaga baxay deegaan ka tirsan...

Ciidamo ka tirsan qeybta 12-ka April oo isaga baxay deegaan ka tirsan Sh/Hoose

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wararka Idaacada Daslan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa sheegayaan in Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 12-ka April ay isaga baxeen deegaan ka tirsan Gobolkaas. Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaanka Dhanaane gaar ahaan wadada xeebta ee isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka,halkaas oo in muddo […]

- Advertisement -

Wararka Idaacada Daslan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa sheegayaan in Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 12-ka April ay isaga baxeen deegaan ka tirsan Gobolkaas.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaanka Dhanaane gaar ahaan wadada xeebta ee isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka,halkaas oo in muddo ah ay ku lahaayeen Fariisimo waaweyn.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka ay ka baxeen deegaankaas,isla markaana  haatan aysan jirin cid gacanta ku heysa Dhanaane.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 12-ka April ay dhanaane uga baxeen Mushaar la’aan la sheegay inay heysay Bilooyinkii ugu dambeeyay,iyagoo muddo ku dhow afar bilood aysan helin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa Ciidamada qeybta 12 April eek u sugnaa halkaasi waxaa saadka ay u baahan yihiin lagu gaarsiinayay dhinaca badda,kadib markii Wadada dhowr jeer oo horey Al-shabaab ay weeraro qaraxyo ah Kolonyada saadka u siday ay kula Eegteen.

- Advertisement -

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories