HomeCaalamkaAskari oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Daanta Galbeed

Askari oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Daanta Galbeed

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ugu yaraan hal Askari oo Yuhuudi ah ayaa la dilay, 2 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii uu Nin hubeysan oo Falastiin ah  maanta toogasho ka geysteen Daanta Galbeed.Toogashadaasi ayaa bilaabantay, kadib, markii uu Nin Falastiini ah  oo adeegsanayo Tooreey uu xoog uga qaatay qori uu watay Askar Yuhuudi ah oo ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska Deegaanka Yuhuudda la dejiyey ee Aryel, kadibna toogtay Askariga.

Telefishinka Janaal 13 ee Yuhuudda ayaa sheegay inuu Ninka Falastiiniga uu haddana toogtay Nin kale oo Yuhuudi ah, ka hor inta uusan gaarigiisa ka kaxaysanin. Warbaahinta Yuhuudda waxay kaloo sheegeen inuu Ninkii Falastiiniga tacshiirad ku furay bar laga raaco basaska oo ku yaalla isgoys kale.Hadal-qoraal oo ka soo baxay Milliteriga Yuhuudda ayaa lagu sheegay inay toogashadda ka dhacday Isgoysyadda Aryel iyo Gitaay, isla markaana ay Ciiddanka baaritaan ku hayaan Ninka Falastiiniga ee weerarka geystay.

- Advertisement -

 

Idaacadda Radio Israel ayaa sheegay in hal qof la dilay, 2 kalena la dhaawacay, oo ay midi xaalladiisu aad u liidato.

Xarakadda Islaamiga ee XAMAAS oo maamusha Deegaanadda Marinka Qasa ee dhulka Falastiin waxay sheegteen Mas’uuliyadda weerarkaasi, weyna soo dhaweeyeen weerarka ka dhacay Daanta Galbeed, iyagoo sheegay inuu yahay falka aargoosiga ee Dembiyadda ay geystaan Yuhuudda xoogga ku haysata dhulka Falastiin.

- Advertisement -

Yuhuudda waxay Deegaanadda Daanta Galbeed qabsadeen dagaalkii ka dhacay Bariga dhexe sannadkii 1967-kii, balse dadka Reer Falastiin waxay doonayaan inay dhistaan Dowlad Falastiin oo caasimad u noqon doonta Bariga magaalladda Quddus-ta la-haysto.

Si kastaba ha ahaatee, Wada-xaajoodka Nabadda ee u dhexeeyey Maamulka Falastiin iyo Yuhuudda waxa uu burburay sannadkii 2014-kii, kadib, markii ay Yuhuudda ku gacan sartay inay dib uga baxaan Xuduudkii la asteeyey sannadkii 1948-kii.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories