HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jarmalka kula kulmay xubno ka tirsan dalkaas

Sawirro:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jarmalka kula kulmay xubno ka tirsan dalkaas

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo howlo shaqo ku jooga Dalka Jarmalka ayaa halkaasi kulamo kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Wadankaasi, iyo xubno ka tirsan maamul Goboleedka Berlin. Madaxweynaha oo ugu horeyntii kulan la qaatay xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa sharaxaad ka siiyay Fursadaha maalgashi ee ka jira Guud […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo howlo shaqo ku jooga Dalka Jarmalka ayaa halkaasi kulamo kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Wadankaasi, iyo xubno ka tirsan maamul Goboleedka Berlin.

Madaxweynaha oo ugu horeyntii kulan la qaatay xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa sharaxaad ka siiyay Fursadaha maalgashi ee ka jira Guud ahaan Dalka gaar ahaan Deegaanada Hirshabeelle iyo sida muhiimka ay ugu tahay In laga gacansiiyo dib u dhiska Iyo horumarinta deegaannada Hirshabelle.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle waxa uu kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, aqalka Hoose ( Bundstag), aqalka sare ( Bundsrat), maamul goboleedka Berlin, Brandenburg, iyo Schleswig-Holstein, waxaana kulamadaasi ay kaga wada hadleen Arimaha Federalka, awood qeybsiga, khayraadka iyo dakhliga qeybsiga, iyo maqaamka caasimada Berlin, waxaana uu farta ku fiiqay madaxweynaha in fursada Waaweyn ay ka jiraan Hirshabeelle oo u baahan in looga faa’ideysto maalgashi dhul beereedka Deegaannada Hirshabelle, iyo in laga gacan siiyo horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Hirshabelle, waxbarashada, Caafimaadka.

Mas’uuliyiinta Dalka Jermalka ee la Kulmay, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dadaalka uu ugu jiro horumarinta Hirshabelle iyagoona soo dhoweeyay dalabka ah in laga gacansiiyo dib u dhiska iyo horumarinta Hirshabelle diyaarna ay u yihiin in ay horumariyaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo guud ahaan dib u dhiska magaalooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayna soo booqan doonaan.

Jamhuuriyadda federaalka ee jarmalka waa wadan ka dhisan dhinaca federaalka, si aad ahna ugu horumaray ku dhaqanka iyo Hirgalinta arrimaha Federaalka, wuxuuna ka koobanyahay 16 Gobol. Wadankaan waxuu ku yaalaa Bartamaha qaarada Yurub waan wadan u baahan in laga faa’ideysto khibradiisa dhinaca Federaalka.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts