HomeWararSawirro:-Howlwadeennada Madaxtooyada Hirshabeelle oo Maanta tababar muhiim ah loo furay

Sawirro:-Howlwadeennada Madaxtooyada Hirshabeelle oo Maanta tababar muhiim ah loo furay

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Khuburo, la taliyaal iyo agaasinno ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay magaalada Jowhar ayaa maanta tababar u billaabay Howlwadeennada Madaxtooyada dawlad gobaleedka Hirshabeelle. Tababarka ayaa hawlwadeennada lagu baranayaa qaab dhismeedka agaasinka golaha wasiirrada oo muhiim u ah qabashada shaqada golaha wasiirrada, ujeedooyinka iyo waajibaad shaqo ee laga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Khuburo, la taliyaal iyo agaasinno ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay magaalada Jowhar ayaa maanta tababar u billaabay Howlwadeennada Madaxtooyada dawlad gobaleedka Hirshabeelle.

Tababarka ayaa hawlwadeennada lagu baranayaa qaab dhismeedka agaasinka golaha wasiirrada oo muhiim u ah qabashada shaqada golaha wasiirrada, ujeedooyinka iyo waajibaad shaqo ee laga doonayo.

- Advertisement -

Khuburada ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo howlwadeennada madaxtooyada Hirshabeelle ayaa isla meel dhigay qaab dhismeedka guddi hoosaadka golaha wasiirrada iyada oo lagu salaynayo tubaha qaranka si guddi hoosaad kasta uu qaybtiisa uga qaato daadejinta howlaha tubaha.

Aqoon kororsigaan ayaa hawlwadeenada madaxtooyada iyo guud ahaan dawlad gobaleedka Hir-shabeelle waxa uu ka caawinayaa dhismaha aasaaska dawladnida,  qorsheeeda, fulinteeda iyo isla xisaabtankeeda.

Tababarka la siinayo howl wadeennada iyo agaasinnada madaxtooyada Hirshabelle ayaa qayb ka ah Baahinta barnaamijka Tubaha qarana oo ah barnaamij ay ku cadyihiin qorshaha qaran ee siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulsha, amniga iyo cadaaladda.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts