HomeWararPakistan oo Muwaadiniinta Soomaalida ka reebtay in fiisaha lagu siiyo gudaha Garoomada...

Pakistan oo Muwaadiniinta Soomaalida ka reebtay in fiisaha lagu siiyo gudaha Garoomada dalkaas

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ra’isul-wasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan  waxa uu dhawaan shaaciyey inay wax ka bedeleen habka ay Dhoofayaasha ku heli jireen Fiisaha lagu soo galo dalkiisa, wuxuuna xusay inay Dhoofayaasha Ajaaniibta fiisaha lagu soo siin doono marka ay ka soo degaan Garoomadda Diyaaradaha ee Pakistan. Ra’isul-wasaare Imraan Khaan waxa uu hadalkaasi ka sheegay Munaasabad uu ku furayey […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan  waxa uu dhawaan shaaciyey inay wax ka bedeleen habka ay Dhoofayaasha ku heli jireen Fiisaha lagu soo galo dalkiisa, wuxuuna xusay inay Dhoofayaasha Ajaaniibta fiisaha lagu soo siin doono marka ay ka soo degaan Garoomadda Diyaaradaha ee Pakistan.

Ra’isul-wasaare Imraan Khaan waxa uu hadalkaasi ka sheegay Munaasabad uu ku furayey qaabka qaadashadda Fiisaha Online-ka oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Islamabaad.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in dadyowga ka soo jeeda 175 waddan fiisaha lagu siin doono marka ay ka soo degaan Garoomadda, iyadoo Liiska dalalkaasi laga reebay dalalka Somalia iyo Hindiya.

Ra’isul-wasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan  waxa u uku micneeyey go’aanka ay Dhoofayaasha ku siinayaan Fisiaha Online-ka waxa uu ku micneeyey iyadooxaalladda ammaanka dalkiisa wanaagsan tahay, isla markaan ay jiraan Fursado lagu maalgashan karo iyo kuwo Dalxiis.

Dhinaca kale, mar sii horreysay, ilo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan waxaa lagu sheegay in Liiska B ee Fiiso-siinta aad loo dhimay, iyadoo dalka Bangaladesh laga saaray Liiskaasi, balse dadyowga ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Hindiya ayaa ku haray Liiskaasi, taasi oo micnaheedu yahay in Muwaadiniinta labadaasi waddan inaysan ka mid ahayn Dhoofayaasha Fiisaha Online ku heli kara marka ay doonayaan inay booqdaan dalka Pakistan.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sababaha ay Dowladda Pakistan ugu dartay dadka Soomaalida Liiska dadyowga aan Fiisaha Online-ka la siin Karin, xitaa marka ay Garoomadda dalkaasi ka degaan iyo inay Somalia barbar dhigto Hindiya oo ay colaad gaamurtay kala dhexeyso Pakistan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories