HomeCaalamkaNinkii shalay weeraray Masjid ku yaalla New Zealand oo horey u soo...

Ninkii shalay weeraray Masjid ku yaalla New Zealand oo horey u soo booqday dalal ku yaalla Europe

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Brenton Tarrant ee ay ku fogaatay Waddaniyadda dadka Caddanka ayaa la sheegay inuu dabayaaqadii sannadkii hore booqasho ku tegay dalalka Bulgaria, Turkiga iyo Hangeri. Dacwad-oogaha dalka Bulgaaria, Sotir Tazatzarov ayaa sheegay inuu Eedeysanaha muddo hal isbuuc booqaday dalkaasi muddadii u dhexeysay bishii November 9-dii ilaa 15-dii ee sannadkii hore, isla markaana […]

- Advertisement -

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Brenton Tarrant ee ay ku fogaatay Waddaniyadda dadka Caddanka ayaa la sheegay inuu dabayaaqadii sannadkii hore booqasho ku tegay dalalka Bulgaria, Turkiga iyo Hangeri.

Dacwad-oogaha dalka Bulgaaria, Sotir Tazatzarov ayaa sheegay inuu Eedeysanaha muddo hal isbuuc booqaday dalkaasi muddadii u dhexeysay bishii November 9-dii ilaa 15-dii ee sannadkii hore, isla markaana uu si gaar ah u booqday goobaha Taariikhiga.

- Advertisement -

Eedeysanaha Brenton Tarrant waxaa la sheegay inuu gaari uu kireystay ku maray caasimadda dalka Bulgaria ee Bukharest iyo dalalka Hangeri iyo Romaniya.

Waxa kale oo sannadkii 2016-kii uu booqday qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Balkaniska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Bulgaria, Maladen Marinov waxa uu sheegay inay baaritaan ku hayaan dadkii uu la xiriiray Eedeysanihii shalay dilka ka geystay Masaajid ku taalla dalka New Zealand.

- Advertisement -

Sidoo kale, Dowladda Turkiga waxay furtay baaritaan la xiriira inuu Eedeysanahaasi dhowr jeer booqday Turkiga, isla markaana uu muddo dheer ku sugnaa.

Wasiirka waxa kale oo uu tilmaamay inay baaritaan ku hayaan xogta ku jirta Lafta SIM Kaarka ee uu isticmaalay muddadii uu joogay dalka Bulgaria.

Dhinaca kale, Eedeysanaha Brenton Tarrant ee dadka ka dilay, kuna dhaawacay 2 Masjid oo ku yaaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand waxaa maanta la soo taagay Maxkamadda isagoo lagu eedeeyey fal-dembiyeed Dil ah, wuxuuna Garsoorku dhegeysiga dacwadaasi dib u dhigay ilaa bisha soo socota ee April 5-da.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories