HomeWararMadaxweynaha Dalka Jabuuti oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka soo degay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo. Wafdiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya, Barbaarta gaashaaman iyo  qeybaha kala duwan ee ku dhaqan Muqdisho. […]

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka soo degay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wafdiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya, Barbaarta gaashaaman iyo  qeybaha kala duwan ee ku dhaqan Muqdisho.

- Advertisement -

Madaxweyn Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa inay xarigga jaraan Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashi xoog leh oo ay yeeshaan Labada Dal.

Boqolaal Dad-weyne oo ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ka qeybqaadanaya soo dhaweynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

- Advertisement -

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay socoto qaban qaabo xoog leh oo lagu soo dhowaynayo madaxweynaha iyo wafdigiisa .

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories