HomeWararAMISOM oo sheegtay inay u baroor-diiqayaan geeridii Ku-simihii Taliyihii Booliska ee AMISOM

AMISOM oo sheegtay inay u baroor-diiqayaan geeridii Ku-simihii Taliyihii Booliska ee AMISOM

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Ciiddanka AMISOM, Ambassador Francisco  Madeira waxa uu shalay ku dhawaaqay inay 3 maalmood u baroor-diiqi doonaan geeridii ku timid Ku-simihii Taliyihii Ciiddanka Booliska AMISOM, Christine Alalo oo ka mid ahayd 157-dii qof ee ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee bishan 10-di ku burburtay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Ciiddanka AMISOM, Ambassador Francisco  Madeira waxa uu shalay ku dhawaaqay inay 3 maalmood u baroor-diiqi doonaan geeridii ku timid Ku-simihii Taliyihii Ciiddanka Booliska AMISOM, Christine Alalo oo ka mid ahayd 157-dii qof ee ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee bishan 10-di ku burburtay duleedka Addis Abeba.

Ambassador Francisco Madeira waxa uu hadalkaasi ka sheegay munaasbad ay shalay isugu yimaadeen Shaqaalaha AMISOM iyo kuwa QM ee ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo wada saxiixay buugga tacsida ee la dhigay Xarunta Dhexe ee AMISOM ee Muqdisho.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in Calamadda Ururka Midowga Afrika hoos loo dhigi doono muddada lagu jiro Baroor-diiqa loo samaynayo Ku-simaha Taliyihii Booliska AMISOM iyo dadkii kale ee ku geeriyootay shilkii Diyaaradda Ethiopian Airlines ee nooceedu ahaa Boeing 737 Max 8.

Dhinaca kale, Ku-simihii Taliyihii Ciiddanka Booliska AMISOM, Christine Alalo oo u dhalatay dalka Uganda waxay Hawlgalka AMISOM ku soo biirtay bishii June ee sannadkii 2015-kii,  iyadoo xilka Ku-xigeenka Taliyaha Booliska AMISOM haysay tan iyo bishii November ee sanadkii 2017-kii.

Waxayna kadib u dallacday Ku-simaha Taliyaha Booliska AMISOM oo ay haysay tan iyo markii ay ku geeriyootay Shilka Diyaaradeed ee ka dhacay duleedka Addis Abeba, xilligaasi oo ay ka soo laabtay Shirweyne ay kaga soo qeyb gashay caasimadda dalka Talyaaniag ee Rooma.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts