HomeWararSawirro:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla J/Hoose

Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla J/Hoose

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen: Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa maanta Kormeer ku tagay Taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ay ku leeyihiin deeganada jubaland gaar ahaana jubada hoose waxaana  ay ugu kuur gelayeen howsha taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad. Taliyaha ciidanka xogga dalka Kormeerka waxa ku weheliyay Taliyaha Booliska […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen: Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa maanta Kormeer ku tagay Taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ay ku leeyihiin deeganada jubaland gaar ahaana jubada hoose waxaana  ay ugu kuur gelayeen howsha taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad.

Taliyaha ciidanka xogga dalka Kormeerka waxa ku weheliyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerico) iyo lataliyaha Madaxweynaha Jubbaland ee arrimaha Ciidanka Sarreeya Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

- Advertisement -

Saraakiisha iyo Ciidamada ayaa laga xog wareystay qorshayaasha horyaala iyo horumarada ay ka sameyeen howlgalada ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobalka Jubada hoose oo ay kula dagaalamayaan Alshabaab.

Ugu dambayntii taliyaha ciidamada xogga Gen: Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa u sheegay ciidamada in ay yihii geesiyaal laakiin looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan sidii loosii xoojin lahaa dagaalka ka dhanka Shabaab ee jubbaland ay ka waddo deegaanada Jubooyinka ee ay maamulaan Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories