HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Soo Xiray Shirka Jihaynta Siyaasadda Puntland

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Soo Xiray Shirka Jihaynta Siyaasadda Puntland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Puntland oo sadexdii maalmood ee ugu dambeysey ka socdey xarunta Wasaardda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Magaalada Garoowe. Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Puntland waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Puntland oo sadexdii maalmood ee ugu dambeysey ka socdey xarunta Wasaardda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Magaalada Garoowe.

Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Puntland waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda.

- Advertisement -

Madaxweyne Deni oo soo xiray shirka ayaa ka jeediyey khudbad taariikhi ah, waxa uu Madaxweynuhu Mahad ballaadhan u jeediyey masuul walba oo ka qayb qaatay hirgelinta shirka.

“Dhammaantiin waa mahadsantihiin qof walba oo ka qayb galay barnaamijkii quruxda badnaa ee sadexdii maalmood ee ugu dambeysey socdey oo ay ugu muhiimsaneed in la joogteeyo hawlihii halkaan ka socdey, qof walibana ka qayb qaato runtii, waxay noo tahay guul in maalmihii aan ugu tala galnay ay ku dhammaadaan,

“Waxaan Alle ka sokow guulihii aan gaarnay uga mahadnaqaynaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo maalmaha aan halkan joogney ammaanka si habsami leh u sugayey, wan ku faraxsannahay runtii shirkaan agaasinkiisii, socod siintiisii iyo natiijadii ka dhalatay intaba ay ahaayeen kuwo ay taariikhdu xusi doonto” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland ayaa dhankiisa bogaadiyey qaabka wanaagsan ee uu usoo dhammaaday shirku, waxaana uu xoojiyey qorshaha Madaxweynaha Puntland ku hirgeliyey yoolaalkii uu ku galay doorashada, taasi oo bud-dhig u ah dhammaystirka Jihaynta siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweyanaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah oo marti galisey shirkan iyo hay’adda Sidra oo shirka qayb muhiim ah ka qaadatay.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts