HomeWararCiiddanka Kenya oo sheegtay inay Dagaalamayaal Alshabaab ah ku dileen dagaal ka...

Ciiddanka Kenya oo sheegtay inay Dagaalamayaal Alshabaab ah ku dileen dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayey ku sheegteen inay 3 Dagaalamayaal Alshabaab ku dileen Is-rasaasayn ka dhacday Tuulladda Buulo Xaaji oo qiyaastii 90-KM u jirta magaallo-madaxda Gobalka J/Hoose ee Kismaayo. Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Ciiddanka Kenya iska horimaadkaasi ku qabteen Hal dagaalame, 2 qori oo […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayey ku sheegteen inay 3 Dagaalamayaal Alshabaab ku dileen Is-rasaasayn ka dhacday Tuulladda Buulo Xaaji oo qiyaastii 90-KM u jirta magaallo-madaxda Gobalka J/Hoose ee Kismaayo.

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Ciiddanka Kenya iska horimaadkaasi ku qabteen Hal dagaalame, 2 qori oo AK 47 ah iyo mid noociisu yahay SAAR iyo rasaas badan, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel Paul Najuguna ayaa sheegay inuu iska horimaadkaasi oo dhacay habeen hore, xilli ay Ciiddanka Kenya socod ilaalo ah ku marayeen Deegaanku ku yaalla duleedka Kismaayo.

Waxa uu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan inay taageeraan Hawlgalladda AMISOM ee lagu doonayo in lagu soo celiyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab weli kama hadlin sheegashadda Ciiddanka Kenya, mana jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories