HomeWararDhegeysiga dacwad loo haysto Diplomaasi u dhashay Qatar oo aflaageeyey Muwaadin Soomaali...

Dhegeysiga dacwad loo haysto Diplomaasi u dhashay Qatar oo aflaageeyey Muwaadin Soomaali oo dib loo dhigay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda Shaqada ee Bartamaha London ee (Central London Employment Tribunal) waxay shalay dhegeysatay Dacwad ka dhan Diplomaasi u dhashay Qatar oo lagu magacaabo C/llaahi Cali Al-ansaari, kaasi oo shaqaale ka ah Safaaradda Qatar ee magaalladda London, isla markaana haatan ah Madaxa Xarunta Daaweynta ee Safaaraddaasi. Dhibane Somali-British oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed oo 79 jir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Shaqada ee Bartamaha London ee (Central London Employment Tribunal) waxay shalay dhegeysatay Dacwad ka dhan Diplomaasi u dhashay Qatar oo lagu magacaabo C/llaahi Cali Al-ansaari, kaasi oo shaqaale ka ah Safaaradda Qatar ee magaalladda London, isla markaana haatan ah Madaxa Xarunta Daaweynta ee Safaaraddaasi.

Dhibane Somali-British oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed oo 79 jir ah ayaa waxa uu ku soo oogay Diplomaasigaasi inuu aflagaado iyo jir-dil u geystay muddadii uu ka shaqeynayey Safaaradda Qatar ee London.

- Advertisement -

Dhibanaha oo muddo Dareewal u ahaan jirey  Diplomaasiga C/llaahi Cali Al-ansaari ayaa u sheegay Maxkamadda inuu Eedeysanaha u geysan jirey tacadiyo cunsuriyad ah, isla markaana uu ugu yeeri jirey erayo xad-gudub Aadminimo ah oo ay ka mid yihiin “Addoonka Madow, Odayga duqa ah, Nin Wasaqle ah, Eey iyo Dameer”.

Dhibanaha waxa uu ku eedeeyey Diplomaasiga Qatar  inuu isaga 2-jeer  dhaawacay muddadii u dhexeysay sannadihii 2007-dii ilaa 2013-kii, isla markaana uu u baahan yahay qalin garabka bidix oo uu dhaawac ka qabo.

Maxamuud Axmed oo ku dhashay Somalia, balse muddo 40-sanno haysta Dhalashadda dalka Britain waxa uu sheegay inuu Safaaradda Qatar ee London u shaqeynayey ku-dhawaad 20-sanno, ka hor inta aan laga ruqseynin shaqadiisa Dareewalnimadda iyo Ilaaliyaha ee  uu ka hayey Safaaradda Qatar sannadkii 2013-kii.

- Advertisement -

Dhibanaha waxa uu Maxkamadda Shaqada ee London u sheegay inuu Diplomaasiga Reer Qatar ee tacadiga u geystay ka dalbanayo magdhow lacageed oo dhan 10,000 oo Geniga Britain (£100,000) oo dhibaatadii loo geystay iyo isagoo ka baqanayo inuusan mar kale shaqeyn Karin.

Dhinaca kale, Diplomaasiga u dhashay dalka Qatar ee lagu magacaabo C/llaahi Cali Al-ansaari waxa uu Maxkamadda u sheegay inaysan waxba ka jirin Eedeymaha isaga loo soo jeediyey, wuxuuna ku doodayey inuu Maxamuud Axmed mar kasta siin 20 Geni iyo 50 Geni, si uu ugu soo qadeeyo iyo lacag dhan 800 ilaa 1,000 Geni oo uu bil kasta siin jirey.

Laakiinse, waxaa sheegashadaasi gaashaanka ku dhuftay Qareenka Edward Kemp, kaasi oo sheegay inaysan jirin caddaymo bangi oo Dhibanaha lagu siiyey Lacagtaasi.

Garsoore ka tirsan Maxkmaadda Shaqada ee Bartamaha London waxa uu sheegay in dacwadda la sugayo ilaa ay Maxkamadda Rafcaanka ka xukminayso dacwadaha noocan ee ka dhanka ah Xasaanadda Diplomaasiyadeed ee Safaaradaha.

Si kastaba ha ahaatee, Garsooraha ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah Diplomaasiga u dhashay Qatar la dhegeysan doono bisha November 25-da ee sannadkan, iyadoo Kiiskan oo kale soo gudbiyeen Haweeney cunto-kariye ka ahayd Safaaradda Suudaan ee London iyo haweeney kale oo xirfadda carruur-haynta uga shaqeyn jirtey Safaaradda Liibiya ee ku taalla London.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts