HomeWararYaa deggan Xaruntii hore ee Ciiddanka Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciiddankaas?

Yaa deggan Xaruntii hore ee Ciiddanka Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciiddankaas?

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Eng. C/raxmaan Yariisow waxa uu shalay soo saaray Wareegto uu ku amray in laga wada guuro Xaruuntii hore ee Ciiddanka Badda Somalia (Ex-Mariino) iyo Gurigii Taliyaha Ciiddankaasi oo ku yaalla Degmadda C/casiis ee magaalladda Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow waxa uu Wareegtadiisa u cuskaday Dasrtuurka Dalka,  Sharciga Maamulka Goballadda iyo Degmooyinka, Xeerka Baddaha iyo qoddobo kale, wuxuuna amar ku bixiyey in laga wada guuro  Xaruuntii Ex-Marino, Gurigii Taliyaha Badda iyo dhulka ka dambeeya Dhismayaashaasi ilaa Xeebta Liido.

- Advertisement -

Waxa uu  tilmaamay in ay jirto Baahi Degdeg ah si Safaaradaha iyo Diplomaasiyiinta Caalamka loogu helo Dhismooyin ay deggaan, kana hawl-galaan, waa sida uu hadalka u yiri.

Guddoomiyaha Gobalka iyo Maayarka Muqdihso, waxa uu xusay inay Xarumahaasi yihiin dhul Dowladeed oo loo asteeyey Dan Guud, isla markaana dib loola noqday Dukumentiyadda ay haystaan dadka deggan Ex-Marino iyo Gurigii Taliyaha Ciiddanka Badda Soomaaliyeed.

Bal aynu wada dhegeysano Eng. C/raxmaan Yariisow oo akhrinaya Wareegtaddii uu shalay soo saaray:

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho waxa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan  Mas’uuliyiin iyo Taliyayaal hore oo deggan ama Guryo ka dhistay Xaruntii hore ee Ciiddanka Badda Ex-Marino, isagoo tilmaamay inay arrintaasi Fadeexad weyn ku tahay Dowladda.

Haddaba, Telefishinka Dalsan waxa uu raad-raac ku sameeyey Liiska Madaxdii iyo Taliyayaashii hore ee deegaansan jirey ama guryaha ka dhistay Xaruntii hore ee Ex-Marino iyo Gurigii Taliyaha Ciiddanka Badda, waxayna kala yihiin:

1-     Senator Muse Suudi Yalaxow

2-     Raisla wasaarihi hore, Prof. Cali Maxamed Geeddi,

3-     Wasiirki hore ee Gaashaandhigga, Jenral C/qaadir Diini

4-     Taliye xigeenkii hore ee Ciiddanka NISA, C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac”,

5-     Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Faarax Axmed Cumar “Faraax Qare”

6-     Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Madey Sheekh Nuurey Ufurow.

Sidoo kale, waxaa jira Diplomaasiyiin ,Siyaasiyiin , Ganacsato iyo Saraakiil ciiddan oo horey u degganaa Xarunti iEx-Marino ama guryo ka dhex dhistay.

Marka loo kuur-galo baaxadda ballaaran ee Xaruntii Ex-Marino ilaa Xeebta Liido waa goob Istaraatijiyad leh, isla markaana kaabiga ku haya Xeebta caanka ee Liido ee sida xooggan u camiran.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories