HomeWararSacuudiga oo sheegay inay Xujeyda fiisaha ku codsan karaan, kuna heli doonaan...

Sacuudiga oo sheegay inay Xujeyda fiisaha ku codsan karaan, kuna heli doonaan muddo daqiiqado ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee  dalka Sacuudiga waxay maanta shaacisay inay bilaabi doonaan in Xujeyda ay fiisaha  si Online ah ku codsan karaan, kuna heli karaan  muddo daqiiqado gudaheed. Kormeeraha Guud ee Barnaamijka Elektorooniga ee Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudiga, C/raxmaan Shams oo wareysi siiyey Telefishinka MBC ayaa sheegay inay  Xujeyda aan u dhalanin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee  dalka Sacuudiga waxay maanta shaacisay inay bilaabi doonaan in Xujeyda ay fiisaha  si Online ah ku codsan karaan, kuna heli karaan  muddo daqiiqado gudaheed.

Kormeeraha Guud ee Barnaamijka Elektorooniga ee Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudiga, C/raxmaan Shams oo wareysi siiyey Telefishinka MBC ayaa sheegay inay  Xujeyda aan u dhalanin Sacuudiga ay qaab online ah ku dooran karaan Xirmooyin Adeegyo kala duwan, kuna dalban karaan Fiisahooda.

- Advertisement -

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Xujeyda ka imaanaya meel ka baxsan Sacuudiga ay dhibaato iyo daal badan ku qabaan  Adeegyadda Xajka iyo Cumradda ee ay bixiyaan Shirkadaha iyo Wakiilladda ku sugan dalalkooda.

Kormeeraha Guud ee Barnaamijka Elektooniga ee Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudiga, C/raxmaan Shams waxa uu carrabka ku adkeeyey in Fiisaha Elektoroonikada haatan loo soo saari doono dadka ku nool dalalkaasi , iyadoo haddii ay Xujeyda Warbixintooda si sax ah u soo dhigaan Nidaamka Online-ka loo soo saari doono Fiisaha Xajka iyo Cumrada.

Dhinaca kale, Kormeeraha Guud ee Barnaamijka Elektooniga ee Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudiga, C/raxmaan Shams waxa uu intaasi ku daray inuu Xafiiskooda si dhow ula shaqeyn doono Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Gudaha ee Sacuudiga, si loogu sameeyo si ka fudud in Fiisaha aan Xujey la soconin loogu diro Baasabooradooda Safaaradda.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Xujeyda Soomaalida ee ku sugan gudaha dalka waxay had iyo jeer culays kala kulmaan Helitaanka Fiisaha Xajka iyo Kharajka Xad-dhaafka ee Tikidhaha Shirkaddaha Diyaaradaha ee xilliga Xajka Xujeyda u daabula dalka Sacuudiga, si ay u soo gutaan Waajibaadka Xajka oo ka mid ah Tiirarka ugu muhiisan ee  Islaamka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts