HomeCaalamkaMadaxweynaha Algeria oo ka laabtay Murashaxnimadiisa, dibna u dhigay Doorashadda

Madaxweynaha Algeria oo ka laabtay Murashaxnimadiisa, dibna u dhigay Doorashadda

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweyne C/casiis Butofaliiqa ayaa sheegay inuusan mar 5-aad isku soo sharxi doonin Xilkaasi, kadib, markii ay dhaceen Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Murashaxnimadiisa.

Madaxweynaha oo 82-jir ah waxa uu dib u dhigay Doorashooyinka, isagoo sheegay inla qaban doono Shirweyne Siyaasadeed iyo in Isbedel lagu samayn doono Dastuurka dalkaasi dhamaadka sannadkan 2019-ka.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Algeria ee APS News Agency ayaa sheegtay inuu Madaxweynuhu sheegay inaysan Doorasho Mdaaxweyne dhici doonin bisha soo socota ee April 18-da.

Dhinaca kale, Dabaaldegyo waa weyn ayaa waxay xalay ka dhaceen caasimadda dalka Algeria ee Aljeris, kadib, markii la shaaciyey inuusan Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa mar 5-aad u tartami doonin xilkaasi.

Wararka kale ee ka imaanayo dalkaasi waxay sheegayaan inuu Ra’isul-wsaarihii dalkaasi, Axmed Aw Yaxya shalay is-casilay, waxaana lagu beddelay Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Nuradin Bedawi.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories