HomeWararMareykanka oo ka hadlay Khilaafka DF, Maamul-gobaleedyadda iyo Dagaalka Al-shabaab

Mareykanka oo ka hadlay Khilaafka DF, Maamul-gobaleedyadda iyo Dagaalka Al-shabaab

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan  Arrimaha Afrika, Tibor Nagey ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Kaaliyaha waxaa wax laga weydiiyey Qorshaha Maamulka Madaxweyne Trump ee ku aadan Dagaalka Alshabaab, waxa uu tilmaamay markii uu ka degay xilka Danjirihii Maraykanka ee Ethiopia sanandkii 2002-dii inay Somalia ka jirtay amni-xumo, isla marrkaana ay Koox Xag-jir ah ku sugnaayeen Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in 20-sanno kadib uu ku soo laabtay Diplomaasiyadda Afrika inay weli xaalladda Somalia tahay mid xun , isla markaana ay Alshabaab soo caan baxeen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan  Arrimaha Afrika, Tibor Nagey waxa uu u mahad celiyey dalalka Uganda, Jabuuti, Kenya iyo Burundi oo uu sheegay inay taageero ka geysteen sidii ay u faragelin lahaayeen Xaalladda Somalia.

“Waxaan xiriir aad u shaqeynaya la leenahay Dowladda Muqdisho, si loo dedejiyo dhismaha Ciiddan Soomaaliyeed, oo awood u yeelan kara inay ka guuleystaan Alshabaab” ayuu yiri Tibor Nagey.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in dhamaadka maalinta ay tahay inay Dadka Soomaalida soo gebagebeeyaan Dagaalka, isagoo rajo buuxda ka bixiyey inuusan jiri doonin qof Maraykan oo halkan u soo fariista inuu ka hadlo Arrimaha Somalia marka la gaaro 20-sanno kadib.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan  Arrimaha Afrika, Tibor Nagey mar wax laga weydiiyey sida ay Dowladda Maraykanka u heshiisiin doonto Kala-duwanaanshaha Soomaalida si loo gaaro hadafka Guud ee Deganaanshaha Somalia waxa uu sheegay inay tahay su’aal adag iyo nasiib-xumo inuusan bixin karin jawaabta, balse, waxa ugu wanaagsan ee shaqaynaya ayaa ah in laga guuleysto Alshabaab iyo Dib-u-dhiska Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in su’aasha had iyo jeer taagan tahay caqabadaha Nidaamka lagu saleeyey Beelaha iyo  in loo qeybiyo Dowlado xubno ka ah Federalka, wuxuuna Diplomaasigaasi isweydiiyey Siyaasadda ugu wanaagsan ee ay Dowladda Dhexe uga wada shaqeyn karto guud ahaan Somalia ama waxa ay Siyaasadda aad ugu wanaagsan tahay in loo shaqeeyo Dowlad Federal ah?

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories