HomeCaalamkaWaalidiinta Soomaalida ku nool London oo Wiilashooda kala soo cararaya dilalka Tooreyda

Waalidiinta Soomaalida ku nool London oo Wiilashooda kala soo cararaya dilalka Tooreyda

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Waalidiinta Dhallinyarada Somali-British-ka ee da’da Tobanaadka ku jirta ayaa la sheegay in laga so odhoofinayo dalkaasi, kadib, markii ay ku soo kordheen falalka weeraradda loo adeegsado Tooreyda. Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay awoodi kari la’ yihiin inay Dhallinyaradaasi ka badbaadiyaan Dembiyadda loo adeegsado Tooreyda. Wakiilo ka tirsan Mujtamaca Soomaalida ku nool Waqooyiga London ayaa […]

- Advertisement -

Waalidiinta Dhallinyarada Somali-British-ka ee da’da Tobanaadka ku jirta ayaa la sheegay in laga so odhoofinayo dalkaasi, kadib, markii ay ku soo kordheen falalka weeraradda loo adeegsado Tooreyda.

Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay awoodi kari la’ yihiin inay Dhallinyaradaasi ka badbaadiyaan Dembiyadda loo adeegsado Tooreyda.

- Advertisement -

Wakiilo ka tirsan Mujtamaca Soomaalida ku nool Waqooyiga London ayaa sheegay in boqolaal carruur ah u direen Somalia, Somaliland iyo Kenya, kadib, walaaca sii kordhaya ee Burcadda ka ganacsata Daroogadda iyo Shabakadaha Dembiyadda ee dalkaasi oo Ubadkooda u adeegsada inay Daroogadda u kala daabulaan magaallooyinka Goballadda dalkaasi.

Wargeysiyo uu Wargeyska The Observer ee ka soo baxa London la yeeshay Hooyooyin Soomaali oo yimid London, markii ay dalkooda hooyo ka soo carareen dagaalladii sokeeye ee ka dhacay sannadihii 1990-aadkii ayaa u sheegay in tiro badan oo Wiilashooda ah ka codsadeen inay ka dhoofaan Britain sababo la xiriira Burcadda Daroogadda iyo cabdi-gelinta colaadaha.

Raakhiya Ismaaciil oo ah Maayar-ku-xigeenka magaalladda Islington ayaa sheegtay in qaabka keliya ee Ubadkooda ku badbaadi karaan inay tahay inay ka dhoofiyaan Britain, iyadoo ay carruur badan u dhoofeen dibededa

- Advertisement -

Waxay kaloo sheegtay in 2 isbuuc ka hor in tooreey lala dhacay ilmo dib uga soo laabtay Somalia 2 maalin ka hor.

Wiil Soomaali o olagu magacaabo Ayuub Xasan oo 17-jir ah ayaa Khamiistii la soo dhaafay lagu dilay Galbeedka London, waxaana falkaasi u xiran wiil 15-jir o olagu soo eedeeyey dilkaasi.

Dukaan Supermarket o olagu magacaabo Asda oo ku yaalla London waxay shalay go’aansadeen inay joojiyaan inay mid-mid u iibiyaan Mindiyaha Jikada, si loogu hortago inay Dembiilayaasha u adeegsadaan falal dembiyeedyada.

Sacdiya Cali oo ka tirsan Ururka Soomaalida ku nool Islington iyo Asaasaha Urur u dooda dadka laga tirada badan yahay ayaa u sheegtay Wargeyska The Observer  in boqolaal dhallinyaro ah dib loogu celiyey Somalia, Somaliland iyo Kenya, si looga badbaadiyo dembiyadda dilalka ee ku soo kordhaya magaalladda London.

Saciida Cali oo ah Hooyo 7 carruur leh ayaa sheegtay in wiilkeeda 15-jirka u dirtay Somalia si looga badbaadiyo Burcad, waxayna intaasi ku dartay in badan oo Saaxiibadeeda ah ay Carruurtooda ku hayaan labada Qaaradood ee Europe iyo Afrika.

Wiil kale oo 15-jir ah oo ay dhashay ayey sheegtay inay dhawaan u dirtay Somalia, kadib, markii saaxiibkiisa tooreey lagu dilay Islington, loona sheegay inuu isagu yahay qofka ku xiga ee la dili doono.

Jimcihii la soo dhaafay, Hooyo Somali degganayd Waqooyiga London ayaa u qaxday magaalladda Mombasa ee dalka Kenya, si ay u celiso wiilkeeda oo 19-jir ah oo ku soo laaban lahaa London, kadib, markii Burcadda ka codsadeen inuu ku soo laabto London.

Waxay Hooyadaasi ku catowday waxa ay Burcadda ku samayn doonaan haddii uu wiilkeeda dib ugu laabto London.

Si kastaba ha ahaatee, 17 qof ayaa u geeriyooday weeraro Tooreey oo ka dhacay London tan iyo markii uu bilowday sannadkan 2019-ka, iyadoo Sabtidii shalay la soo weriyey in 3 qof oo la dhaawacay la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Birimingham oo ah magaallo 3 qof lagu tooreeyey maalmo gudahooda bishii la soo dhafaay.

Xigasho: The  Guardian, UK.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories