Ciidamada Amniga ayaa waxaa la sheegay in ay hub ka furteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Habeenimadii 09-kii bishaan Maarso ayay Ciidamadu weerar Ku qaadeen Xaafadda Hantiwadaag,halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Â ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada gacanta ay ku dhigeen noocyo kala duwan oo hub ah kaas oo ay Al-shabaab isticmaali jireen dadka,waa sida lagu yiri warkaas.
Cidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa mareykanka ayaa 7-dii bishan howgal qorsheysan ku dilay Afar Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab degaanka Gamboole ee Gobolka Shableellada Dhexe.
