Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay waaberigii horey waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud,kadib markii gaari halkaasi uu ku rogmaday.
Shilkaan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii Gaari noociisu ahaa Dayno uu ku rogmaday duleedka deegaanka Godinlabe,waxaana ku geeriyooday 1 ruux,iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 qof oo kale .
Sidoo kale waxaa la sheegay in dadka dhaawacmay uu ku jiray Darawalkii waday gaarigaas,Sida uu warkaan Magaalada Cadaado ugu soo diray Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee Jile Jaamac Jile.
 Â
