HomeWararCiidamada Puntland oo howlgal ka wada Magaalada Boosaaso

Ciidamada Puntland oo howlgal ka wada Magaalada Boosaaso

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Howlgal oo ay sameeynayaan Ciidamada amniga Puntland ee Boosaaso,kadib markii shalay halkaasi lagu dilay Nabadoon Caan ahaa . Ciidamada ayaa howlgalkaasi ka wada xaafado ka tirsan Boosaaso,isla markaana waxa ay ku soo qabteen dad u badan […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Howlgal oo ay sameeynayaan Ciidamada amniga Puntland ee Boosaaso,kadib markii shalay halkaasi lagu dilay Nabadoon Caan ahaa .

Ciidamada ayaa howlgalkaasi ka wada xaafado ka tirsan Boosaaso,isla markaana waxa ay ku soo qabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaasi oo looga shakiyay falal amni daro.

- Advertisement -

Dadkii lagu soo qabtay howlgalka ka socda Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la sheegay in ay geeyay Xabsiga ku yaalla halkaasi, waxaana baaritaano ku wada Ciidamada amniga Boosaaso.

Shalay ayey aheyd markii Nin ku hubeysnaa Bastoolad uu Masjidka Mubaarak ee ku yaalla Xaafada laanta Hawada ee Magalada Boosaas ku dhex dilay Nabadoon Caan ka ahaa deegaanada maamulka Puntland,kaasi oo lagu magacaabi jiray Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa laamaga amniga Boosaaso ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan ragii ka dambeeyay falkii dilka ahaa shalay loo geystay  Suldaan Bashiir Koonte.

- Advertisement -

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku soo batay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories