HomeWararWararkii ugu dambeeyay Dilkii Suldaan Bashiir Koonte

Wararkii ugu dambeeyay Dilkii Suldaan Bashiir Koonte

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin hubeysan oo Maanta Masjidka Mubaarak ee ku yaalla Magaalada Boosaaso ku dhex dilay Nabadoon Caan ka ahaa deegaanada maamulka Puntland.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Suldaan Bashiir Muuse Koonte,isla markaana uu toogtay Nin watay Bastoolad,kdaib markii dhowr rasaas uu la dhacay xili uu ku sugnaa Masjidka .

- Advertisement -

Sidoo kale  Suldaan Bashiir Muuse Koonte ayaa ka mid ahaa Isimada Puntland, waxaana uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray rasaastii lagu furay.

Ciidamada amaanka Magaalada Boosaaso ayaa sida caadada aheyd gaaray goobta uu falka ka dhacay,iyagoo halkaasi ka wada howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilkii loo geystay Suldaan Bashiir.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

- Advertisement -

Madaxweyne Deni ayaa laamaha amniga Magaalada Boosaaso ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan ragii ka dambeeyay falkaas oo ka dhex-dhacay Masjidka Mubaarak,isla markaana Shacabka Boosaaso ku booriyay in ay si dhow ula shaqeyaan laamaha amniga.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories