HomeWararTirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa isi soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay Koontorool laga ilaaliyo Madaxtooyada Somalia oo ku yaal inta u dhaxeysa Taalada Xaawa-Taako iyo Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho iyada oo qaraxu uu ahaa mid xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah Magaalada. Qaraxa markii uu dhacayay waxaa koontoroolka ka socday […]

- Advertisement -

Waxaa isi soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay Koontorool laga ilaaliyo Madaxtooyada Somalia oo ku yaal inta u dhaxeysa Taalada Xaawa-Taako iyo Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho iyada oo qaraxu uu ahaa mid xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah Magaalada.

Qaraxa markii uu dhacayay waxaa koontoroolka ka socday baaritaan Ilaaalada Madaxtooyadu ay ku hayeen gaadiidka aada Xarunta baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya ,waxaana bur-bur soo gaaray dhismo ganacsi gaadiid wadada marayay.

- Advertisement -

Dad goobjooyaal ah ayaa dalsan u sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen ku dhawaad 5-qof oo is kugu jitra askar iyo dad shacab ah oo wadada socday iyo kuwa fadhiyay maqaayad ku taal ka soo horjeedka Taalada Xaawa-Taako dhawaca ka dhashayna uu intaas ka badanyahay.

Suxufiyiinta iyo Sariw qaadayaasha ayaan ilaa iyo haatan loo ogolaan in ay galaan goobta waxaana ay sheegeen in ay ciidamadu u adeegsanayaan rasaas cid kasta oo isku dayda in ay gubto,dhinaca kalana laamaha amnigu wax war ah kama soo saarin qaraxaas iyo khasaaraha uu geystay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories