HomeWararSawirro:-Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ay Fashiliyeen Qaraxyo

Sawirro:-Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ay Fashiliyeen Qaraxyo

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ciidamada amniga Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo howlgal ka sameeyay Xaafaddo ka tirsan Magaaladaasi ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa oo lagu diyaarinayay halkaasi .

Ciidamada ayaa howlgalkaasi si gaar ah uga sameeyay Guri ku yaalla Xaafadda howlwadaag ee Baladweyne,isla markaana ku soo qabtay waxyaabaha qarxa, AK47 iyo qalab kale oo loo adeegsan lahaa Qaraxyo.

- Advertisement -

Taliska Ciidamada xooga dalka qeybta 27-aad ee ku sugan Magaalada Baladweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay toogteen shaqsigii deganaa gurigaas ee laga soo saaray waxyaabaha qarxa,sidoo kalena xiligaas aasayay Miino.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Ninkaaas uu iska cabin ku sameeyay Ciidamada,isagoona lagu tuhmayay Dil loo geestay maalmo kohor Sargaal ka tirsanaa Qaybta 27-aad sida uu sheegay Taliyaha Guutada 5-aad ee qaybta 27aad.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgal xoogan,kadib markii halkaasi ay ku bateen qaraxyo iyo dilalka qorsheysan.

- Advertisement -

 

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories