HomeWararXog:-Boqorka Sacuudiga iyo Wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan oo uu Khilaaf xooggan...

Xog:-Boqorka Sacuudiga iyo Wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan oo uu Khilaaf xooggan soo kala dhex galay

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inuu sii xumanayo xiriirkii u dhexeeyey Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud  iyo Wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan oo ah Dhaxal-sugaha boqortooyadda ee dalkaasi.

Boqorka iyo Dhaxal-sugaha ayaa la sheegay inay isku khilaafsan yihiin  dhowr qoddob, oo ay ugu muhiimsan yihiin Dagaalka Isbahaysiga Sacuudiga ka wadaan dalka Yemen

- Advertisement -

Xiisaddaha ayaa la sheegay inay soo shaac baxeen muddadii uu Booqrka Sacuudiga socdaalka bishii hore ku tegay dalka Masar oo uu kaga qeyb galay  Shirkii Hoggaamiyayaasha Carabta iyo kuwa Midowga Europe ku yeesheen magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.

Wargeyska The Guardian waxa uu qoray inay Ilo-wareedyo aan la shaacinin sheegeen in La-taliyayaasha Boqor Salmaan uga digeen suurto-galnimada tallaabo isaga ka dhan ah oo uu kala kulmo dhinaca  Amiir Maxamed Bin Salmaan

Dadka u daacadda ah Boqorka ayaa la sheegay inay ku soo baraarugeen Cabsidaas, iyadoo Boqorka muddadii uu safarka ugu maqnaa Masar Ilaaladiisa lagu beddelay Koox ka kooban 30 Askari oo ay soo xuleen dadka isaga taabacsan.

- Advertisement -

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London waxa kale oo uu qoray inuusan Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mid ahayn dadka muhiimka ah ee Boqorka soo dhaweysay markii uu ka soo laabtay.

War-saxaafadeed rasmi ah ayaa lagu soo bandhigay Liisska dadka martida ee ku sugan Garoonka Diyaraadaha, si ay u soo dhaweeyaan Boqor Salmaan, waxaana la xaqiijiyey inuusan Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mid ahayn dadkii soo dhaweyn lahaa Boqor Salmaan.

Amiir Maxamed Bin Salmaan oo xilka Ku-xigeenka Boqorka sii hayey muddadii uu Boqor Salmaan ku maqnaa dalka Masar waxa uu Amiirku saxiixay 2 Isbedel oo waa weyn.

Waxa uu Xilka Danjiraha Sacuudiga u magacaabay Haweeney lagu magacaabo Riima Bintu Bandar Bin Salmaan, waxa kale oo uu Walaalkiisa Khaalid Bin Salmaan u magacaabay Wasiirka Difaaca ee Scuudiga.

Sidoo  kale, Ilo-wareedyo la hadlay Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxal-sugihiisa isku khilaafsan yihiin Dibadbaxyadda ka socda dalalka Algeria iyo Sudan iyo daaweynta Maxaabiista Yemen ee lagu soo qabtay dagaalka Isbahaysiga Sacuudiga ku hayaan Kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Boqor Salmaan iyo Wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan waxa uu ubucda khilaafkooda ku salaysanm yahay dilkii Saxafigii Sacuudiyaanka ee Jamaal Khashoggi, kaasi oo ay xubno ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga ay bishii October 2-dii ee sannadkii hore ku dileen Dhismaha Qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Istanbuul ee dalka Turkiga.

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories