HomeWararSawirro:-Boqolaal qof oo isugu jira Somali iyo Ajaanib oo ku xayiran Garoonka...

Sawirro:-Boqolaal qof oo isugu jira Somali iyo Ajaanib oo ku xayiran Garoonka diyaaradaha Nairobi

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inay ku xaniban yihiin boqolaal rakaab ah oo ka dhoofi lahaa Garoonkaasi. Shaqaalaha Garoonka ayaa ku dhaawaaqay shaqo-joojin, iyadoo Ciiddanka Boliska ee ka-hortaga rabshadaha loo soo daad-gureeyey si ay u kala cayriyaan shaqaalaha gadoodsanaa. Dadka Rakaabka ah ee ku xariyan Garoonka Jomo Kenyatta ayaa […]

- Advertisement -

Garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inay ku xaniban yihiin boqolaal rakaab ah oo ka dhoofi lahaa Garoonkaasi.

Shaqaalaha Garoonka ayaa ku dhaawaaqay shaqo-joojin, iyadoo Ciiddanka Boliska ee ka-hortaga rabshadaha loo soo daad-gureeyey si ay u kala cayriyaan shaqaalaha gadoodsanaa.

- Advertisement -

Dadka Rakaabka ah ee ku xariyan Garoonka Jomo Kenyatta ayaa isugu jira Somali iyo Ajaanib,kuwaasi oo qaarkood ay ku sii jeedaan dalal ay kamid yihiin Yurub iyo meelo kale.

Hadal ka soo baxay Maamulka Garoonkaasi waxay sheegeen inay Shaqo-joojintaasi tahay mid sharci-darro ah, waxayna dadka rakaabka ku wargeliyeen saqdii dhexe ee xalay inaysan ku soo lug go’in Garoonka, maadaama aysan wax shaqo ah ka soconin.

Rakaabkii maanta sugayey Duullimaadyada oo saacado badan ku xanibnaa Graoonka ayaa loo sheegay inay ka baxaan  Garoonka, balse waxay buux-dhaafiyeen Barxadda iyo goobaha dadka lagu sugo ee duleedka Garoonka Jomo Kenyatta oo ah kan ugu weyn Garoomadda ku yaalla dalalka Afrikada Bari.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories