HomeWararMaxaa ka jira in Madaxweyneyaasha Somalia iyo Kenya ay ka wada hadleen...

Maxaa ka jira in Madaxweyneyaasha Somalia iyo Kenya ay ka wada hadleen Muranka Xuduud-baddeedka?

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynayaasha dalalka Somalia iyo Kenya waxay maanta Kulankoodii ugu horreeyey ka yeesheen muranka Xuduud-baddeedka oo ay labada Dowladood ku kala irdhoobeen.

Kulankaasi oo ka dhacay Nairobi waxaa Shir-guddoominayey Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, ahna Madaxa Urur-gobaleedka IGAD ee sannadkan.

- Advertisement -

Qoraal uu Abiy Axmed soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inay Labada Madaxweyne ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo inay qaadaan tallaabooyinka looga hortagayo Xiisadda ka dhex aloosan.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu bishan March 1-dii iyo 5-dii  Kulamo Diplomaasiyadeed  la kala yeeshay Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Ethiopia.

Xiisadda muranka xuduudka badda ee labada Waddan ayaa noqotay udub-dhexaadka Khilaafka Diplomaasiyadeed ee labada Waddan.

- Advertisement -

Bishii la soo dhaafay ee Feberaayo 16-dii, Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Majariya Kamau waxa uu soo saaray qoraal uu ugu yeeray Danjiraha Kenya ka jooga Somalia, Jeneral Luka Tumbo, iyo Danjirihii Somalia u joogay Kenya, Ambassador Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan” laga soo cayriyey Nairobi.

Dowladda Kenya waxay cayrintaasi ku micneeyeen mid ay kaga soo horjeedaan Tallaabadda ay Somalia ku xaraashayso Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee ku jira xuduud-baddeedka Kenya.

Golaha Wasiiradda Kenya waxay kaloo ku hanjabeen inay Somalia ku soo rogi doonaan Cunaqabatayn iyo inay u aqoonsadaan Somalia dal cadow ku ah Kenya.

Kulanka labada Madaxweyne ay uga wada hadleen Muranka xuduud-badeedka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa,iyadoo Maanta Villa Soomaaliya sheegtay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin taako kamid ah dalka,isla markaana kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Somalia waxay ku adkeysatay in lagu kala baxo Maxkamadda Calaamiga ee ICJ, balse, Dowladda Kenya waxay doonaysaa in Muranka xuduud-baddeedka lagu dhameeyo Wada-xaajood iyo Heshiis xaal-mastuur ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories