HomeWararFaah faahin:Toogasho ka dhacday Suuqa Bakaaraha

Faah faahin:Toogasho ka dhacday Suuqa Bakaaraha

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin la sheegay in uu hubeysnaa oo ay Ciidamada amniga dowlada ku toogteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Ninka Ciidamada ay dhaawaceen marka hore laga shakiyay,isla markaana lagu armay Nin uu istaago,hayeeshee uu diiday […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin la sheegay in uu hubeysnaa oo ay Ciidamada amniga dowlada ku toogteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Ninka Ciidamada ay dhaawaceen marka hore laga shakiyay,isla markaana lagu armay Nin uu istaago,hayeeshee uu diiday sidaasina ay rasaas ugu fureen.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa la sheegay in uu Ninka uu watay Bastoolad,iyagoona Ciidamada ay ku qabteen xili uu ku sugnaa Nawaaxiga Hotelka lagu magacaabo Shaam ee ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Wararka qaar ayaa tilmaamay in Ninka hubeysnaa ee la dhaawacay uu la socday Nin kale,balse goobta uu si deg deg ah uga baxsaday.

Wadooyinka ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa meel kasta ka taagan Ciidamada amniga,kuwaasi oo si weyn u sugaya amniga Suuqa weyn ee Bakaaraha.

- Advertisement -

 

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories