HomeWararSomalia oo Shir-guddoominaysa Shirka 101-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta

Somalia oo Shir-guddoominaysa Shirka 101-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Danjiraha Somalia u jooga dalka Masar, ahna Ergayga Joogtada ee Somalia ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador C/qani Maxamed Wacays ayaa Shir-guddoominayo Kulanka Ururka Jaamacadda Carabta ee Heerka Wakiilladda Joogtadda, kaasi oo shalay ka furmay Xarunta Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Kulankaasi oo socon doona ilaa maanta, waxay Somalia xilka Shir-guddoonka kala […]

- Advertisement -

Danjiraha Somalia u jooga dalka Masar, ahna Ergayga Joogtada ee Somalia ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador C/qani Maxamed Wacays ayaa Shir-guddoominayo Kulanka Ururka Jaamacadda Carabta ee Heerka Wakiilladda Joogtadda, kaasi oo shalay ka furmay Xarunta Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Kulankaasi oo socon doona ilaa maanta, waxay Somalia xilka Shir-guddoonka kala wareegtay Sudan oo iyadu horey u ahayd Shir-guddoonka Shirarka Jaamacadda Carabta.

- Advertisement -

Shirka Wakiilladda Joogtada ee Ururka Jamaacadda Carabta uga socda Qaahira waxa uu u gogol-xaar u yahay Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta oo maalinta Arbacadda ee berrito ka furmi doona Qaahira.

Dhinaca kale, Shirka 101-aad ee  Wakiilladda Joogtadda ee Ururka Jaamacadda Carabta waxaa looga hadlay qoddobo ay ka mid yihiin Taageeridda Somalia,  Jesiiradda Komooros, Taageerida Nabadda iyo Horumarinta ee dalka Sudan, Khilaafka Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea, Mowqif Mideysan oo ay Dowladaha Carabta ka yeeshaan xadgudubka Milliteriga Turkiga ee Xuquuqda Buuxda iyo Awoodda dalka Iraq, Xadgudubka Israel ku hayso Reer Falastiin, Xaalladaha dalalka Lubnaan, Liibiya, Yemen iyo Syria iyo Isbahaysiga Carbeed iyo Urur-gobaleedyadda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories