HomeCaalamkaHoggaamiyeyaasha Ethiopia Kenya iyo Eritrea oo Kulan saddex-geesood ah ku leh Caasimadda...

Hoggaamiyeyaasha Ethiopia Kenya iyo Eritrea oo Kulan saddex-geesood ah ku leh Caasimadda Eritrea

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxay maanta booqasho ku tegay Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Uhuru Kenyatta iyo Abiy Ahmed oo la socday labo Duullimaad oo kala duwan waxaa Garoonka Caalamiga ee Asmara ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Eritrea, Isayas Afewerki.

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta Eritrea,Yemane Gebremeskel ayaa sheegay inay Saddexda Hoggaamiye maanta yeelan doonaan Shir Saddex geesood ah oo ay kaga arrinsanayaan Arrimaha Gobalka iyo xiriirka dalalkooda.

Hoggaamiyayaasha waxay kaloo yeelan doonaan Kulamo gaar-gaar ah oo khuseeya danaha dalalkooda.

Danjiraha Ethiopia u jooga Eritrea, Ridwaan Xuseen oo dhawaan la hadlay Wargeyska Ethiopian Herald waxa uu sheegay inay Ethiopia iyo Eritrea dhawaan yeelan doonaan Heshiis Iskaashi oo lagu caadiyeynayo Xiriirka Dhaqaalaha, Dhaqaale iyo Kaabayaasha Hoose.

- Advertisement -

Danjiraha waxa kaloo uu sheegay inay socdaan wada-xaajoodyo muhiim ah oo ku aadan Ganacsiga xuduudaha, Canshuuraha, Socdaalka iyo Gaadiidka, lana filayo inay Hoggaamiyaasha labada dal ansixiyaan Heshiisyadaasi.

HeshiiskiiNabadda ee ay Ethiopia iyo Eritrea kala saxiixdeen ayaa waxa uu soo af-jaray colaaadii iyo murankii xuduudaha ee labadaasi waddan u dhexeeyey 20-ki isanno ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Geeska Afrika waxaa ka socday  Wada-xaajoodyo iyo Dib-u-heshiisiin ka bilaabantay caadiyeynta xiriirka Eritrea iyo Jabuuti iyo dhanka kale Eritrea iyo Somalia.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories