HomeWararWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo baaq u diray Wadamada Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo baaq u diray Wadamada Islaamka

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka jeediyay khudbad kulanka 46,aad ee Golaha Wasiirrada Wadamada xubnaha ka ah Ururka Islaamka oo shalay oo Jimce ahayd ka furmay Caasimadda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay had iyo jeer abaal u heyso Ururka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka jeediyay khudbad kulanka 46,aad ee Golaha Wasiirrada Wadamada xubnaha ka ah Ururka Islaamka oo shalay oo Jimce ahayd ka furmay Caasimadda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay had iyo jeer abaal u heyso Ururka Iskaashiga Islaamka sababo ku aaddan taageerrada iyo isgarabtaagga uu muddo dheer u muujinayay, si gaar ahaaneed qarannimada Soomaaliya, madax banaanidiisa iyo bedqabka dhulkiisa.

- Advertisement -

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa markii ugu horreysay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ku qabsaday Magaalada Muqdisho 27 Oktoobar, 2018. Ururka waxa kale oo wax ka bedel ku sameeyay xafiiskiisa bani’aadannimo ee Soomaaliya oo loo rogay mid diblomaasiyadeed oo dhammeystiran, iyadoo la tixgelinayo guusha ay gaartay Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay martigelin doontaa inta u dhexeysa 29-30 April ee sanadkan Shir maan-hadal ah oo la xiriira la dagaalanka argagaxisada oo ka dhici doona Muqdisho, oo qaban-qaabadeedu leeyahay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Waxa uu ka codsaday wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay taageeraan deyn cafinta Soomaaliya si dhaqsiya loola falgalo sida ay wax u xaliyeen Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, si degdeg loogu dhiso Soomaaliya, lana dhammeeyo jiritaanka argagaxisada iyo shaqa la’aanta dhalinyarada, waxa uu ugu baaqay in si deeqsinimo ah uga qeybqaataan Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts