HomeWararWararkii ugu dambeeyay Ciidamo Caawa la wareegay Madaxtooyadda Cadaado

Wararkii ugu dambeeyay Ciidamo Caawa la wareegay Madaxtooyadda Cadaado

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Nabadsugidda maamulka Galmudug ee NISA ayaa Cawaa la wareegay gacan ku heynta Xarunta Madaxtooyadda maamulkaasi ee ku taalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Howlgalka lagula wareegay Madaxtooyadda Cadaado ayaa waxaa hogaaminaayay Taliyaha NISA qeybta Galmudug Cabdi Dheere ,iyadoona ay ka qeyb qaateen,Ciidanka Kumaandooska Danab ee 21-aad. Sidoo kale Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan […]

- Advertisement -

Ciidanka Nabadsugidda maamulka Galmudug ee NISA ayaa Cawaa la wareegay gacan ku heynta Xarunta Madaxtooyadda maamulkaasi ee ku taalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Howlgalka lagula wareegay Madaxtooyadda Cadaado ayaa waxaa hogaaminaayay Taliyaha NISA qeybta Galmudug Cabdi Dheere ,iyadoona ay ka qeyb qaateen,Ciidanka Kumaandooska Danab ee 21-aad.

- Advertisement -

Sidoo kale Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan Magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in Xaruntaasi ay muddooyinkii dambe ay gacanta ku hayeen Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay tan iyo markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda maamulka Galmudug,hayeeshee Caawa laga saaray halkaasi.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in amarka Maleeshiyaadka hubeysan looga saaray Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado bixisay dowlada Soomaaliya,iyadoo halkaasi la filaayo inay gaaraan maalmaha soo socda Madax ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Xaaladda Magaalada Cadaado ayaa haatan ku soo laabtay si caadi ah,kadib markii fiidkii hore ee Caawa halkaasi mararka qaar laga maqlayay rasaas ka dhaceysa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories