HomeWararQM iyo Dowladdo kale oo Cambaareeyey Weerarkii iyo Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

QM iyo Dowladdo kale oo Cambaareeyey Weerarkii iyo Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu si kulul u cambaareeyey weeraradii Alshabaab ee dhimashadad geystay ee ka dhacay Magaalladda Muqdisho. Istefane Dujarik oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM ayaa sheegay inuu Antonio Guterres sheegay inaysan falalkaasi oo kale wax u dhimi doonin dadaalka loogu jiro Nabadda iyo Barwaaqadda Somalia ee mustaqbalka, waa […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu si kulul u cambaareeyey weeraradii Alshabaab ee dhimashadad geystay ee ka dhacay Magaalladda Muqdisho.

Istefane Dujarik oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM ayaa sheegay inuu Antonio Guterres sheegay inaysan falalkaasi oo kale wax u dhimi doonin dadaalka loogu jiro Nabadda iyo Barwaaqadda Somalia ee mustaqbalka, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu mar kale ku celiyey Taageeradda iyo  Isgarab istaagga QM ee Ummadda iyo DFS  ee xilligan adag, wuxuuna u tacsideeyey dhamaan qoysaska iyo saaxiibadda Dhibanayaashii ku geeriyooday weeraradaasi, isagoo dhanka kale dadkii ku dhaawacmay u rajeeyey bogsasho degdeg ah.

Sidoo kale, Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia (UNSOM) waxay si kulul u cambaareeyen qaraxyadii mataanaha iyo weeraradii Alshabaab habeenkii Jimcaha  ka geysteen magaalladda Muqdisho.

Qoraal ay Bartooda Twitter-ka soo dhigeen waxay ku sheegeen inaysan Ajendo Siyaasadeed ku shaqeyn karin colaadaha Xag-jirnimadda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladaha cambaareeyey weeraradii Alshabaab, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin weeraradaasi oo ay dad badan ku naf waayeen, kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa lagu sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaan falkaasi, waxayna u tacsideeyeen DFS iyo Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen, iyagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah Dalalka sida kulul u cambaareeyey Weeraradaasi, waxayna DFS iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsideeyeen dadkii ku geeriyooday qaraxyadaasi, iyadoo kuwii dhaawacmay u rajeeyey caafimaad qab iyo inay ka soo bogsadaan dhaawacyadda soo gaaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories