HomeCaalamkaPakistan iyo Hindiya oo Madaafiic is- weydaarsanayo,kadib markii la sii daayey Duuliyihii...

Pakistan iyo Hindiya oo Madaafiic is- weydaarsanayo,kadib markii la sii daayey Duuliyihii u dhashay…

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Milliteriga labadaasi dal waxay mar kale bilaabeen inay duqeymo isku weydaarsadaan Fariisimadda iyo Tuullooyinka ay kala  maamulaan ee Gobalaka lagu murunsan yahay ee Jaamu Kashmiir. Saraakiisha labada Waddan ayaa sheegay in Ugu yaraan 5 qof oo rayid ah iyo 2 Askari ku geriyoodeen, halka dhowr kalena ku dhaawacmeen duqeymaha maanta ka socda Gobalka Kashmiir. Dagaalka […]

- Advertisement -

Milliteriga labadaasi dal waxay mar kale bilaabeen inay duqeymo isku weydaarsadaan Fariisimadda iyo Tuullooyinka ay kala  maamulaan ee Gobalaka lagu murunsan yahay ee Jaamu Kashmiir.

Saraakiisha labada Waddan ayaa sheegay in Ugu yaraan 5 qof oo rayid ah iyo 2 Askari ku geriyoodeen, halka dhowr kalena ku dhaawacmeen duqeymaha maanta ka socda Gobalka Kashmiir.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa la sheegay inuu dib u bilowday Waaberigii hore ee saakayto, iyadoo hooyo iyo labadeeda carruur ku geeriyoodeen qeybta ay Hindiya ka maamulaan Kashmiir.

3 qof oo kale ayaa iyagana la sheegay inay geeriyoodeen, kadib, markii Madfac ay soo tuureen Milliteriga Pakistan ku habsaday Hoygooda oo ku yaalla Gobalka Boonj oo ku dhow Khadka labada qeyb ee u kala qeybiya Kashmiir.

Dhinaca kale, Nin iyo wiil yar ayaa iyagana ku geeriyootay duqeyn  ay Milliteriga Hindiya la beegsadeeb Deegaanka Nakiyaal ee dhinaca Pakistan.

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Milliteriga Pakistan ayaa lagu sheegay in 2 ka tirsan Ciiddankooda ku geeriyoodeen Deegaanka Nakiyaal, kadib markii ay Labada Ciiddan isweydaarsadeen rasaas xooggan.

Dagaalkan ka soo dhex cusboonaaday Milliteriga dalalak Pakistan iyo Hindiya, ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Pakistan sii daysay Duuliye u dhashay Hindiya oo Diyaaradiisa oo nooceedu ahaa MIIG 21 lagu soo riday gudaha dalka Pakistan maalintii Arbacadii la soo dhaafay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories