HomeWararMareykanka oo war ka soo saaray Duqeyn uu ka fuliyay Gobolka Hiiraan

Mareykanka oo war ka soo saaray Duqeyn uu ka fuliyay Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Agaasime-ku-xigeenka Sirdoonka ee Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM, Gregori Hadfild  ayuu ku sheegtay inay maalmihi ila soo dhaafay kordhiyeen Hawlgaladooda Duqeynta ee ka dhanka ah Alshabab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

AFRICOM waaxay sheegtay in 26 Dagaalamayaal Alshabaab ku dileen duqeyn habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka dhacday Gobalka Hiiraan, balse faahfaahin kale ma bixinin.

- Advertisement -

Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM  waxay kaloo sheegeen in duqeyntaasi ugu dambeysay timid, iyadoo ay Alshabaab weeraro iyo qaraxyo habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka geysteen magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale,  Qoraalkaka soo baxay Agaasime-ku-xigeenka Sirdoonka ee Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika eeAFRICOM, Gregori Hadfild  ayuu ku sheegay in Duqeymahaasi oo kale  looga dan leeyhaay in cadaadis lagu saaro Alshabaab, lagana carqaladeeyo qorshooyinka ay ku doonayaan inay weeraro la qorsheeyey u geystaan dadka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

Duqeymahaasi ayaa sii socda, iyadoo Taliyaha Taliska AFRICOM ee xilka ka sii degayo, Jeneral Thomas Waldhauser dhawaan u sheegay Mudanayaasha Aqalka Senedka Mraaykanka inaan Alshabaab lagu joojin karin Duqeymada Diyaaradaha, wuxuuna ugu baaqay Ciiddanka Somalia inay qaataan mas’uuliyad dheerada ah ee La-dagaalanka Alshabaab.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories