HomeWararMadaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo kulan yeelan doona, xilli weli uu...

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo kulan yeelan doona, xilli weli uu taagan yahay Khilaaf siyaasadeed

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Iyadoo ay Xiisad Diplomaasiyadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Labada Waddan ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynayaasha DFS iyo Kenya kulankoodii ugu horreeyey bishan ku yeeshaan Caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Warbaahinta Maalinlaha ee PML Daily ee Uganda ayaa qortay in Labada Madaxweyne la filayo inay isku arkaan Munaasbadda Furitaanka Shirweynaha Afrika ee Haatan […]

- Advertisement -

Iyadoo ay Xiisad Diplomaasiyadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Labada Waddan ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynayaasha DFS iyo Kenya kulankoodii ugu horreeyey bishan ku yeeshaan Caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Warbaahinta Maalinlaha ee PML Daily ee Uganda ayaa qortay in Labada Madaxweyne la filayo inay isku arkaan Munaasbadda Furitaanka Shirweynaha Afrika ee Haatan (Africa Now Conference) oo bishan 12-da ilaa 13-da ka dhici doona caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

- Advertisement -

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo xaqjiiyey inuu ka soo qeyb geli doono Shirweynahaasi oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni.

Kulankaasi waxaa kaloo ku soo biiri doona Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Tanzania, Saamiya Xasan Suluhu.

Sidoo kale, Liiska Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah  Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkastoo aysan weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan.

- Advertisement -

Shirweynaha loogu magac daray Afrika ee Haatan (Africa Now Conference) oo la sheegay inay isku duween Xarunta Afrika ee Idtaraatijiyadda Hogagaminta Afrika oo xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Dhinaca kale, Ilo ku dhow-dhow Aqalka Dowladda ee Uganda ayaa sheegay inuu Madaxweyne Museveni muhiimadda siinayo sidii  uu u abaabuli lahaa Kulan Khaas oo ay Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ku wada hadlaan , isla markaana kaga warbixiyaan Horumaradii ugu dambeeyey  ee khilaafka Xuduud-baddeedkooda ee Badweynta Hindiya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories