HomeWararMadaxweynaha Suudaan oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Suudaan oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarkii ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, falalka noocaan oo kale ah […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarkii ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda.

- Advertisement -

Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xiriirka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago  dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories