HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ee Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ee Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Marka hore guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku shahiiday weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen goobo isugu jira ganacsi,meelo ay dadka isugu yimaadaan iyo guryo ay dad shacabka ah degan yihiin,wuxuuna  Caafimaad deg deg ah Alle ugu baryay dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen. […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Marka hore guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku shahiiday weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen goobo isugu jira ganacsi,meelo ay dadka isugu yimaadaan iyo guryo ay dad shacabka ah degan yihiin,wuxuuna  Caafimaad deg deg ah Alle ugu baryay dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen.

“Innaa lillaah wa innaa ileeehi raajicuun Marka hore intii nabad diidku ay halkaasi ku xasuuqeen Allaha ha u naxriisto Sidoo kale intii uu dhaawaca soo gaarayna Caafimaad ah taam ah Allaha ha siiyo,Waan cambareynayaa weerarkaasi oo ah mid muujinaya baaxada ay la egtahay cadowtinimada nabad diidka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed”

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ku amaanay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida taxadarka leh ee ay usoo gaba gabeeyeen howlgalkaasi saacadaha badan qaatay kaasoo ugu dambeyn Geesiyaasha Qaranka ku guuleystay in dilaan ragii weerarka soo qaaday Sidoo kalena ay soo badbaadiyaan dadkii masaakiinta ahaa ee uu guryahooda ku qabsaday.

“Waxaan u mahad celinayaa Ciidankeena Amaanka oo soo badbaadiyay shacabkii maleeshiyaadka ay guryahooda ku qabsadeen Sidoo kale halkaasi ku laayay kooxihii nabad diidka ahaa ee weerarka soo qaaday,waxaana ciidanka ku amaanayaa dadaalka ay ugu jiraan cirib tirka kooxaha argagixisada ah”

Ugu dambeyn waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ciidanka Amaanka kala dhaqeeyaan sugida amaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories