HomeCaalamkaDenmark oo sheegtay in khasab lagu soo masaafurin doono Qaxootiga Soomaalida aan...

Denmark oo sheegtay in khasab lagu soo masaafurin doono Qaxootiga Soomaalida aan sharciga lahayn

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Dowladda Denmark waxay ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonaan sidii loo soo masaafurin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalkaasi. Inkastoo uu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Lars Løkke Rasmussen sheegay inuu jeclaan lahaa inay si iskooda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo. Hoggaamiyaha Denmark, Laris Lokke Ramussenm  waxa uu  ammaanay Xaalladda Somalia, […]

- Advertisement -

Dowladda Denmark waxay ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonaan sidii loo soo masaafurin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalkaasi. Inkastoo uu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Lars Løkke Rasmussen sheegay inuu jeclaan lahaa inay si iskooda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Hoggaamiyaha Denmark, Laris Lokke Ramussenm  waxa uu  ammaanay Xaalladda Somalia, kadib, markii uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo isku arkeen Shirkii Carabta iyo EU-da ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Sharma-sehekh ee dalka Masar

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Farmaajo sheegay inay faa’ido fiican noqon lahayd, isla markaana uu taageerayo inay dadka Soomaalida dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo, si ay uga qeyb galaan Dib-u-dhiska dalka Hooyo.

Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Laris Lokke Ramussenm  waxa kale oo uu sheegay inay Somalia la leeyihiin iskaashi wanaagsan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladiisa khasab ku celin doonto Soomaalida aan sharciga lahayn, haddii laga maarmi waayo arrintaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Denmark waxay shaki xoogan ka muujiyeen suurto-galnimadda Dib-u-celinta Khasabka ee Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi, balse, Ra’isul-wasaaraha Denmark  waxa uu tilmaamay inuu  jiro Heshiis Qarsoodi oo Toos ah oo u dhexeeya DFS iyo Denmark.

- Advertisement -

Mar sii horreysay, Dowladda Federalka waxay ku gacan sayrtay Aragtida ku aadan in dadka Soomaalida ee ku nool dalka Denmark dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ka ah dalka Denmark, Inger Støjberg  waxay bishii December ee sannadkii hore ugu baaqday Qaxootiga Soomaalida  inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska Somalia.

Denmark ma aha dalka kaliye ee ku hawlan inaysan qaabilin Qaxooti cusub, iyadoo kuwii horena dib ugu celinaya dalalkooda hooyo.

Sannadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu go’aansaday, inuu diirada saaro masaafuruinta Qaxootiga ku qulqulayo dalkiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories