HomeWararQaraxyo iyo Rasaas weli laga maqlayo dhismo ku yaalla Muqdisho

Qaraxyo iyo Rasaas weli laga maqlayo dhismo ku yaalla Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso dhismaha lagu magacaabo Shideeye oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxaasi ayaa waxa la sheegay in gabi ahaanba uu bur buriyay dhismaha Shideeye oo barqanimadii maanta halkaasi Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ay ka soo badbaadiyeen dad rayid ah.

- Advertisement -

Weerar ku bilowday qaraxyo oo xalay rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Maqaayadda Hilaac UK ee Muqdisho  ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro aad u badan,iyadoo ilaa iyo haatan la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo dhaceysa.

Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u soo afjari lahaayeen howlgalkaan qaatay mudo ku dhow 20 Saacadood,isla markaana waxaa halkaasi ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlada.

Xaaladda Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay iyo haatan kacsan,waxaana mararka qaar  laga maqlayaa rasaas  iyo qaraxyo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories