HomeWararAkhriso:-Khasaaraha ka dhashay weeraradii ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay weeraradii ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Rasaas iyo Qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa hoteelka Maka al Mukarama oo xalay fiidkii lagu qaaday weerar is qarxin ah, ka dibna rag hubaysan ay galeen.

Laamaha ammaanka ayaa iyo dadkii weerarka soo qaaday ayaa wali rasaas is waydaarsanaya.

- Advertisement -

Wararka laga helayo isbitaallada ayaa sheegaya in dhimshadu ay ku sii dhaw dahay labaatan, dhaawacuna uu 50 kor u dhaafayo.

Dr Cabdiqaadir oo ka tirsan isbitaalka Madina ayaa BBC-da u sheegay in ay hayaan siddeed ruux oo mayd ah isla markaana ay dabiibayaan in kabadan 30 ruux oo dhaawac ah.

Isbitaallada gaarka loo leeyahay iyo Isbitaalka kale ee Digfeer ee Turkidu ay dayac tireen ayaa la sheegay in la geeyay dhaawacyo kale.

- Advertisement -

Xaafaddaha ka ag dhaw hoteelka ayay u ahayd habeen cabsi badan oon laga seexan, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC ee Muqdisho.

“Waxaan fadhinay hoteelka maka al Mukarama oo an ku ballansanayn nin aan saaxiib nahay oo meesha aan isugu nimid, wax yar markii aan fadhinay ayaan maqalnay dhawr xabadood oo dhacaya, anaga oo is waydiinayna ayaa waxaa dhacay qarax wayn ood moodo sidii dhul gariir oo kale, dhismihii waynaa iyo dhulkii oo dhan ayaa noqday uuro madaw iyo boor is qabsaday, meel la aado iyo meel loo cararo ma jirin oo jahwareer ayaa dhacay” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka mid ahaa dadkii goob joogga ahaa.

“Aniga firir yar ayaa iga soo gaaray gacanta, waxaana ka mid ahaa dadkii ka soo baxay ee illaahay u fududeeyay, oo waxaanba ka soo baxay meeshii uu dhismuhu qaraxa ka saameeyay laftirkeeda,” ayuu yiri saxafigaas goob joogaha ahaa.

Ma jiro war rasmi ah oo wali ka soo baxay dawladda Soomaaliya.

Dhanka kalana warbaahinta dawladda ayaan wali soo hadal qaadin weerarkan.

 Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weerarro ay dad badan ku dhintaan ka gaysta magaalada Muqdisho.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories