HomeWararKenya oo sheegtay inay QM iyo Midowga Afrika u gudbiyeen dacwad ka...

Kenya oo sheegtay inay QM iyo Midowga Afrika u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Somalia.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM iyo kan Midowga Afrika u gudbiyeen Muranka dhinaca Xuduud-badeedka ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia. Waxay kaloo sheegtay inay Danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo Gobalka Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika u gudbiyeen […]

- Advertisement -

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM iyo kan Midowga Afrika u gudbiyeen Muranka dhinaca Xuduud-badeedka ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia.

Waxay kaloo sheegtay inay Danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo Gobalka Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika u gudbiyeen khariidada xuduud-baddeedka ee ay labada waddan ku murunsan yihiin.

- Advertisement -

“Waxaan warbixin kooban ka siinay xaalladda u dhexeysa Kenya iyo Somalia, si ay faragelin ugu soo sameeyeaan xiisadda ka dhex taagan labada Waddan” ayey tiri Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma.

Waxay kaloo sheegtay inay Kulanka ay Danjirayaasha  u qabatay jimcihi la soo dhaafay ay ka mid yihiin Madaxa Ergadda Britain u joogta Kenya, Nik Hayley iyo Danjiraha Faransiiska u joogta Kenya, Aline Kuster Menager.

Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma waxay shalay sheegtay inay Wasaaradeeda furtay Wada-xaajood si loo helo xal-saaxiibtinimo oo ku aadan muranka Xuduud-baddeedka ee dhawaan khilaaf Diplomaasiyadeed ka dhex dhaliyey Dowladaha Kenya iyo Somalia.

- Advertisement -

Waxayna carrabka ku dhufatay in murankaasi lagu xalin  karo Wada-xaajood, waxayna rajo ka bixisay inay xal u heli doonaan  murankaasi u dhexeeya Kenya iyo walaalaheenna albaabka nagu xi

“Waxaa na go’an in wada-xaajood lagu xaliyo murankaasi iyo inaan rajo buuxda ka qabno inaan xal u heli doono dhibaatadda u dhexeysa Annaga iyo Walaalaheenna albaabka nagu xiga, waayo danaheenna mustaqbalkeenna waa mid isku xiran” ayey tiri Monika Juma.

Mar sii horreysay, Xoghayaha Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya, Ababu Namwamba  waxa uu tilmaamay inaan marnaba wax wada-xaajood laga geli karin Xuuduudka Kenya.

Dowladda Kenya waxay bishan Feberaayo 16-dii u yeereen Danjirahooda ka joogay Somalia, waxayna soo cayriyeen Danjirihii Somalia u jooga Kenya.

Dhacdadaasi waxay Xuiisad Diplomaasiyadeed ka dhex abuurtay Labada Dowladood, iyadoo Kenya sheegtay inay Somalia xaraashayaan Xirmo ka mid ah Goobaha Shidaalka iyo Gaaska ee Xuduud-baddeedkooda, waa sida ay ku doodayaan.

Balse, DFS waxay si deggan u sheegtay in Khariidadii lagu soo bandhigay Shirkii Lonson uusan qeeyb ka ahayn Xirmooyinka Shidaalka ee ay Kenya ku doodayso Milkiyadooda.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha Somalia iyo Kenya waxaa ka dhexeeya Muranka Lahaanshaha xuduud-baddeed masaafadiisu dhan tahay 62,000 oo mayl oo saddex geesood isku wareeg ah, waxayna Dowladda Somalia Kiiska dacwadaasi ee dhul-boobka Kenya u gudbisay Maxkamadda  Garsoorka Calaamiga ee ICJ oo ku taalla magaalladda Hayg  ee dalka Holland  sannadkii 2014-kii.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories