HomeWararMas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo loo diiday inay galaan Garoonka Diyaaradaha...

Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo loo diiday inay galaan Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo loo diiday inay galaan Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah,kuwaasi oo doonayay in ay soo dhaweeyaan Xildhibaan Abdi rashiid Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa la sheegay in qaar kamid ah dadkii shacabka ahaa iyo Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Garoonka in ay is gacan gaareen,isla markaana loo diiday inay Garoonka galaan.

- Advertisement -

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ka heleyso Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland halkaasi ay ku jir dileen Wariyeyaal ka howlgala Magaalada,iyagoona Garoonka dhexdiisa ay uga jajabeen qalabkii ay wateen.

Xildhibaan Abdi rashiid Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka kuna howlan arrimaha la xiriira doorashooyinka Jubbaland ayaa waxa uu qorshahu in uu gaaro Kismaayo,hayeeshee Mas’uuliyiintii iyo shacabkii soo dhaweeyn lahaa ayaa loo diiday in ay galaan Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili xalay Golaha amniga Jubbaland ay amaro dul-dhigeen Musharixiinta dooneysa in ay ka qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha la filaayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka Jubbaland,waxaana ay uga digtay in ay abuuraan waxkasta oo khalkhal amni horseedi kara.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories