HomeWararAkhriso:-Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF oo Warbixin soo saartay

Akhriso:-Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF oo Warbixin soo saartay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa looga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dhabaha geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya. IMF waxaa ay sheegtay in la soo geba gebeeyey dib u eegistii ugu horeysay ee ku aadan hanaan dhanka la socodka maaliyadda oo ka […]

- Advertisement -

War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa looga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dhabaha geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

IMF waxaa ay sheegtay in la soo geba gebeeyey dib u eegistii ugu horeysay ee ku aadan hanaan dhanka la socodka maaliyadda oo ka dhaxeeya Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo DFS,kaasi oo ka saacidaya Dowladda Soomaaliya dib u dhiska kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka,dib u habyn siyaasdeed hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loo abuuro degnaansho dhaqaale guud ahaan dalka.

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaartay horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,kobaca daqliga soo gaala dowladda,taasi oo ku timid dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey sidii muwadiniintu loogu buraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha,waxaana hay’adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga.

Arrintan ayaa lagu sheegay in ay ku timid go’aan dhab ah oo ay latimid dowladda Soomaaliya,iyadoo muujisay in barnaamijkaasi si dhab ah loo hirgeliyo,lana sii joogteeyo,inkastoo lagu xusay in caqabado ay iska jiraan.

‘’Dhaqaalaha Soomaaliya waa uu sii kordhayaa,dib ayuuna u soo kabanayaa,balse waxaa loo baahanyahay in la sii xoojiyo dadaalka loogu jiro kobcinta dhaqaalaha,si loo yareeyo faqriga iyo gaajada,ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

- Advertisement -

Hay’dda IMF Warbixinta ay soo saartay ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in shaxda lasoo bandhigay November 2018 ay muujisay in dakhliga gudaha dalka laga soo aruuriyay uu gaaray $161 million, oo ka dhigaysa in 31% uu ka badnaa sannadkii hore ee 2017,sanadkii 2018 wuxuu ahaa kobaca dhaqaale 3.1 halka 2019 lafilayo in uu gaaro 3.5.

barnaamijka SMP waa hanaan dhanka la socodka maaliyada oo ka dhaxeeya Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo dowladda Soomaaliya,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda Xukuumada Somaaliya,waxaana warbixinta lagu sheegay in guulahaasi ay ku yimaadeen qaadista canshuuraah gudaha ee dalka.

Hay’adaha dhaqaalaha adduunka iyo kuwa gar gaarka ayaa Soomaaliya ka caawinaya sidii ay u gaari lahayd isku filnaasho,yerenta faqriga,shaqo abuur loo sameeyo bulshada.

Dadaaladan ay waddo dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay warbixinta in ay horseedayaan in ugu dambeyn deymaha laga cafiyo Soomaaliya,si ay u gaarto heer isku filnaashiyo ah.

Qorshayaasha ay waddo wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya waxaa kamid ah sidii loo soo daabici lahaa lacago cusub oo ay Soomaaliya leedahay,taasi oo ku imaankarta in lagu guuleysto hanashada taageerada hay’adaha dhaqaale ee caalamiga ah,kuwaasi oo haatan garab istaagan Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories